Wasiirka Qorshaynta Qaranka ee Somaliland oo Warbixin ka hor jeediyay Golaha Wakiilada

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Hargaysa 14,Jan.(SDN)

Fadhigii maanta ee Golaha wakiilada JSL oo uu shir gudoominayey Gud/Xigeenka Koobaad ee Golahaasi Baashe Maxamed Faarax ayaa maanta warbixin ku saabsan xeerka tirokoobka ka dhegaysatay wasiirka wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Md Sacad Cali Shire.

 Dr Sacad waxa uu golaha uga waramay xeerkaasi iyo ujeedooyinka uu xambaarsan yahay isagoo sheegay inuu yahay mid faa’iido balaadhani ugu jirto bulshada Somaliland uuna sahlayo in la  diiwaangeliyo dadka dhalanaya, kuwa dhisanaya iyo weliba kuwa dhimanaya, isla markaana ay soo baxdo daraasad lagu kalsoon yahay oo iftiiminaysa tirada dadka waxbarashada u baahan, kuwa xaaladooda caafimaad dib u eegista u baahan tahay iyo weliba dhalinta loo diyaarin karo garoomada ciyaaraha.

Xubnaha golaha wakiilada ayaa wasiirka halkaasi ku weydiiyey su’aalo la xidhiidha xeerka diiwaangelinta qaranka kuwaasoo uu wasiirkuna ka celiyey jawaabahoodii inkastoo ay mudanayaasha qaarkood u muuqdeen in aanay si buuxda ugu wada qancin warbixinahii iyo jawaabihii wasiirku bixiyey.

Hargaysa SDN.

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>