Maxay Xukuumada Somaliland ku Sifaysay Asbaabta dib u dhiga Tartanka Ciyaaraha Gobolada dalka.

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Hargaysa 14,Jan.2013 (SDN)

Xukuumada Somaliland ayaa maanta Shaacisay inay dib u dhigtay Qabashada Tartankii Ciyaaraha Gobolada dalka oo la filayay inuu ka qabsoomo 15 bishan Garoonka Kubada Cagta ee Hargaysa Stadium,hasa yeeshee ay qaadaceen dadweynaha ku nool degmada Axmed Dhagax oo Sheegay inaan tartankaas lagu qaban karin tartankaas Garoonka hargaysa Stadium iyagoo taas sabab uga dhigaya dhawaaqii natiijadii doorashada Golayaasha deegaanka ee uu ku hadhay Urur Siyaasadeedka Xaqsoor Isla markaana ay dhalisay in Mudaharaad ka dhan ah natiijadaas ay ku naf waayaan laba ruux iyo kuwo kale oo ku dhaawacmay.

Inkastoo Xukuumada Somaliland ay dhawr jeer ku cel celisay in aanay mar danbe dib u dhigi doonin Tartanka Ciyaaraha Gobolada dalka hasa yeeshee Wasiirka wasaaradda ciyaaraha, Dhalinyarada iyo Dalxiiska Md Cali Siciid Raygal ayaa maanta Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Xafiiskiisa  waxa uu sheegay in wasaarad ahaan ay tixgeliyeen codsiyo kaga yimid bulshada qaybaheeda iyo arimo dhinaca ka qaybgalka ciyaartoyda ah oo xiligan suurogeli waayey.

Md Raygal waxa uu sheegay in qodobada ay wasaaraddu tixgelisay ay ka mid yahiin:

Ardayda jaamacadaha iyo Schoolada oo ka mid ahaa ciyaartoyda ka qayb eli lahayd ciyaaraha oo fasaxii ku yaraaday.

Qurbojoogga Somaliland oo codsaday in qabashada ciyaaraha loogu beego xiliga xagaaga si ay ugu suuro gasho iyaga iyo caruurtooduba inay ka soo qayb galaan ciyaaraha.

Wasiirka ciyaaruha Somaliland  waxa uu caddeeyey in ciyaaraha gobolada  oo qabshadoodu markii hore ku qorshaysnayd 15-ka bishan Janaury dib loogu dhigay tan iyo bisha June ee isla sanadkan 2013.

Si kastaba ha ahaatee Wasiirka ayaa ka meeraystay inuu si cad u sheego in asbaabta ugu weyn ee dib u dhigista Tartankaasi ay salka ku hayso qaadacaada degmada axmed dhagax kaga timid.

Waana Markii labaad ee Tartanka Ciyaaraha Gobolada dalka dib loo dhigo iyadoo markii u horaysay ay ku beegnayd dabayaaqadii bishii Oct. ee kal hore hasa yeeshe ay Wasaarada Ciyaaruhu Sheegtay in uu ku soo beegmay Xili uu dalka ka socday Ololihii doorashada deegaanka Isla markaana dhalinyaradii ka qayb galaysay ay ka mid ahaayeen Hawl wadeenadii Komiishanka Doorashooyinka qaranka iyo Muraaqibiintii Xisbiyada/Ururadii ku loolamayay doorashadii deegaanka.

Hargaysa SDN.

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>