Burkina Faso oo Guryahoodii u Furdaamisey Libaaxyadii Horyaalka Afrika ee Zambia (Cup Of Nation-2013-By Jaahuur)

Filed under: Features,Sports,Wararkii ugu Dambeeyay |

Nelspruit-South Africa-Jan-29-2013-qurbejoognews.com-Saaxiibayaal qubanaheena ciyaaraha waxaynu maanta ku jaleeceyna Libaaxyadii horyaalka Afrika ee Zambia oo hadhuudhlaha lagu darey.

Zambia Farxaddii sannadkii hore waxay isu bedeshey owhin iyo tiiranyo badan,waana markii ugu horeysey xul difaacanaya horyaalka qaaradda Afrika wareega hore ku hadha.

Haddaba labadan ciyaarood ee maanta la ciyaarey ayaa foodda waxa islagaley Burkina Faso iyo Zambia,iyo Nigeria iyo Ethiopia.

Zambia waxay u baahneyd badis laakiin Burkina Faso bar-bardhac kaliya ayey u bahneyd weyna u suurtoodey markii aay 0-0 ku kala tageen,horyaalkii Afrikana waxay u baqooleen gurigoodii.

Ciyaartii labaadna waxay dhexmartey Nigeria iyo Ethiopia,waxaana 2-0 ku badiyey Super Eagles Nigeria.

W/ Qorey Jaahuur

qurbejoognews.com

jjaahuur@hotmail.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>