C/Laahi Siciid Dheere: Bare iyo Siyaasi Hufnaan Looga Marag-furay. W/Q Siciid Gahayr (Hargeysaawi) 7aad.

Filed under: Features |

Akhristeyaal/Jaallayaal, malaha wakhti badan ayaan idiinka warramay Sooyaalkii AHUN C/Laahii Siciid…. Bal aan qalinka ku wareejiyo rafiiq ay C/Laahi wada-shaqaynayeen muddo ka badan 10 sanno oo ka mid ah dadka aan xog ka weydiiyay sooyaalkan aan qorayay…… Waa kan Jaamac Maxamuud Cigaal oo ka warramaya inta uu ka ogaa sooyaalka, hab-dhaqanka, hawl-wadaagga iyo shaqsiyadda C/Laahi Siciid. Waxa uu Jaamac weedhiisa ku yidhi sidan “Cabdillaahi Siciid Dheere wuxuu ahaa nin qaaliya oo aanan wanaaggiisa halkan kusoo koobi karin. Waxa aannu is naqaannay muddo ku eeg 11 sano isla markaana ay naga dhaxaysay wada-shaqayn xeeldheer. Wuxuu ahaa saaxiib qaaliya. Waxa aan sifooyinkiisa kusoo koobi karaa:

Cabdillaahi waxa uu ahaa nin Miisaaman oo Xaqa jecel. Waxa uu ahaa nin ku sifoobay lehna sifooyinkan: Run-sheegnimo, Daacadnimo, Karti, Qalbi-saafiya, Hoggaamiyenimo, Deeqsinnimo, Naxariis, Saaxiibtinimo iyo wanaag badan oo aanan halkan kusoo koobi karin. Waxa uu ahaa nin Hal-adag haddana debecsan markay habboon tahay, Faham badan, Aragti dheer, Ixtiraam iyo Tixgalin badan. Wuxuu ahaa Ma-daale shaqo badan. Cabdillaahi waxa uu ahaa nin dhaqankiisu ku qotomo Milgihii iyo Maamuuskii Soomaalidii hore ee xariirta ahayd lagu yaqaannay. Runtii ma soo koobi karo wanaaggii Illaahay ku mannaystay Cabdillaahi Siciid Dheere.

Dhanka shaqada, Cabdillaahi waxa uu ahaa markiisii hore kamid ahaa militariga waxaana uu kasoo shaqeeyey gobollo badan oo dhulka Soomaalida kamid ah isaga oo kula soo dhaqmay dadyaw kala dhaqan iyo cimilo duwan, taasina waxay dhaxalsiisay in uu yeesho sifooyin iyo dhaqan lagama maarmaan u ah wada-shaqaynta iyo isfahamka bani’aadamka. Waxa ay shaqadaasi dhaxalsiisay in uu noqdo nin la shaqaynkara dad kala laakiinse isku yool ah oo meel wada hiigsanaya. Wuxuu saaxiib la ahaa qof walba ilaa ka ugu hooseeya ilaa ka ugu sareeya, waxa uu ahaa dun adag oo isku xidha dadka shaqadu ka dhaxayso isla markaana isu jiidjiida.

Cabdillaahi waxa uu qayb libaax kasoo qaatay taakulayntii iyo gacan-qabashadii dadka reer Somaliland markii ay qaxoontiga ku ahaayeen dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya. Markii dalka lasoo galay waxa uu qayb weyn ka qaatay dib-u-heshiisiintii dadka reer Somaliland. Intii Somaliland u jihaysatay dhinaca hannaanka dimuqraadiyadda iyo nidaamka xisbiyada badan, Cabdillaahi waxa uu ka galay kaalin hormoodnimo ah waxaana ay Somaliland isaga iyo intii la shaqaynaysay kala soo dabbaasheen mawjado meel baas ka tuuri lahaa Somaliland.
Taariikhdiisa siyaasadeed Cabdillaahi waxa uu kamid ahaa asaasayaashii xisbiga UCID waxaana uu kasoo qabtay jagooyin hoggaamineed oo ay ugu horraysay Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex.

Waxa kale oo uu xubin firfircoon ka ahaa Guddiga Fulinta ee Xisbiga UCID muddo 10 sano ah isaga oo maal, mood iyo muruqba ku bixiyey sidii Somaliland ugu naaloon lahayd nabad iyo horumar siyaasadeed. Ugu dambayntii waxa uu Marxuumku kamid ahaa asaasayaashii ururka hadda xisbiga noqday ee Waddani waxaana uu ahaa mid kamid ah rukummada ugu mudan ee ururkaasi lahaa isaga oo ka hayey jagada Guddoomiye-xigeenka 3aad. Intaas uu siyaasadda ku jiray, Cabdillaahi Illaahay Naxariistiisa Weyn Ha durduursiiyee, waxa uu astaan u ahaa hoggaan hufan oo xidhiidh la leh inta jecel ee la socota iyo inta ay aragtida ku kala duwan yihiinba. Waxa uu Soomaalida maanta jirta inteeda badan kaga duwanaa in uu qofkasta kula shaqayn jiray inta ay ka wada shaqayn karaan inta ay ku kala aragti duwan yihiinna ku ixtiraami jiray.

Dhawr jeer oo aannu wada qabanay hawlo culculus iyo kulamo lagu xallinayo arrimo saamayn ku leh Somaliland, waxa Cabdillaahi aan ku xusuustaa in uu ahaa nin dantiisa gaar ka ama danta cidda uu ka tirsanaa markasta ka hor marinaya dadka dadkiisa iyo dalkiisa. Waxa uu ahaa nin mashaakilaadka jira ku eegaya indho aragti dheer iyo maslaxadda guud. Waxa uu ahaa nin dadka aad uga guban jiray kuna ad-adag cidda uu u arko in ay danta gaarka ah ka hor marinayso ta guud. Runtii waxa uu ahaa nin ka nadiif ah cudurka ugu weyn ee Somaliland naanaabiyey oo ah Qabyaaladda heer kasta oo ay joogto”.Eng Faysal Cali-Waraabe oo astaynaya C/Laahi Siciid Dheere ayaa xusay inuu ahaa nin dhaqanka bulshada ku wanaagsan, asturan, dhawrsan, edebna leh.

Isaga oo marxuumku laga bilaabo 2001-da illaa 2011-ka ka mid ahaa Guddiga Fulinta iyo Golaha Dhexe ee UCID, xilalka kale ee uu C/Laahi Siciid ka qabtay Xisbiga waxa ka mid ahaa Guddoomiyeha Xisbiga ee Gobolka Maroodi-jeex oo uu ahaa intii ka horreysay qabsoomidda doorashadii Baarlamaanku sannadkii 2005-ta isagoo doorbiday inuu ka mid noqdo murashixiintii Gobolka Hargeysa ee ka qayb-gashay tartankii doorashada Golaha Wakiillada Somaliland ee qabsoontay 29/Sebtember/2005. Wuxuu iska casilay Jagadii Guddoomiyeha Gobolka Hargeysa ee UCID waxaana qabtay SuldaanXasan Suldaan C/Laahi Suldaan C/Raxmaan (Oo aan markaa la wareegin xilka saldannadda). Astaanta C/Laahi Siciid Dheere waxa ay ahayd MIISAAN ka tarjumayay Caddaalad iyo Sinnaan.. Waan xasuustaa waxa uu hal-kudheggiisa ololuhu ahaa meerisyo ka mid ah maansada Dabataxan ee uu allifay Alle Ha U Naxariistee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye”, kuwaasoo ah:

Cadlibaa wax doojee

Wax kaloo rag deeqoo

Dadka lagaga eed baxo

Nin u doonay heli waa

Inkasta oo uu xilligaas sameeyay olole mug leh, xafiisyana uu ka furtay rugo badan oo ku yaalla Maroodi-jeex, haddana Marxuum C/Laahi Siciid nasiib uma helin inuu ka mid noqdo mudanayaasha u gudbay Golaha Wakiillada, waxaanu ka mid noqday Xildhibaannada kaydka ah ee UCID. Iyada oo xisbigii uu ka sharraxnaa ay Hargeysa uga soo baxeen 6 ka mid ah 20-kii musharax ee Gobolka Hargeysa uga tartamayay. Waxa uu se ka sii mid ahaa xubnaha halbawlaha u ah ee haga siyaasadda iyo barnaamijka Xisbiga UCID.

La Soco Qaybta 8aad haddii Alle idmo

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)
Akadamiga Waxbarashada iyo Cilmi-baadhista (ERA)

saedmgahair@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>