Xiddigii Reer Talyaani oo u Haajirey AC milan Markii Ay Iska iibisey Man City. (By Jaahuur)

Filed under: Features,Sports,Wararkii ugu Dambeeyay |

Rome-Jan-30-2013-qurbejoognews.com-Asxaabtay faaqidaadeena ciyaaraha waxay maanta ku falanqeyneyna Balotelli oo u hayaamey xagaa iyo AC Milan markii Man city aay iska iibisey.

Mario Balotelli ayaa wakhtigiisi ka dhamaadey Talaadadii shaley aheyd markii maamulku isku raacay in ciyaaryahanka dhiigkarka qaba ee reer Talyaani u masaafuriyaan AC Milan waxayna ku iibiyeen 20-Million oo Euros.

Tababaraha Man City Roberto Mancini ayaa ka dhawaajitey Talaadadii oo xaqiijiyey maruu saxaafadda la hadlayey inuu Balotelli wixii hadda ka dambeeya la kifaaxi doono AC Milan.

Xiddigan oo u ciyaari jirey 2010-kii Inter Milan ayaa Man City ka soo iibsatey qiimahiisuna wuxuu ku joogey ($34.5 Million).

Runtii waa ciyaaryahan fiican, kuna noqdey wadankiisii lakifaxi donana naadi magac weyn ka leh Aduunka A C Milan waanuna Tabi donaa,sidaana waxaa ka dhawaajiyey ciyaartoydisii ee Man City.

W/ Qorey Jaahuur

qurbejoonews.com

jjaahuur@hotmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>