David Beckham oo mushaar la’aan ugu ciyaari doona kooxda qaniga ah ee PSG

Filed under: Features,Sports,Wararkii ugu Dambeeyay |

Paris Feb 01 2013 (SDN)– Xidigii hore ee xulka qaranka Ingiriiska iyo kooxaha Manchester united iyo Realmadrid David Beckham ayaa shaaca ka qaaday inuusan wax lacag mushahar ah ka qaadandoonin kooxdiisa cusub eek u biiray oo ah Paris Saint German, asagoona intaas raaciyey in waxa ay siiyaan uu ku bixindoono inuu ugu tabaruco hay’adaha ka shaqeeya arimaha bini’aadnimada si ay ugu taageeraan dadka ku tabaalaysan daafaha dunida.

Beckham ayaa intaas ku daray in dhamaan mushaharkiisa oo gaaraya 150,000 oo pound oo uu asbuucii qaadandoono uu fart aka saaridoono ururada ka shaqeeya arimaha bini’aadanimada gaar ahaan kuwa taakuleeya caruuraha ku dhibaataysan aduunayada dacaladeeda.

Haduu ku dhaqaaqo arintaan ayuu Beckham noqonayaa mushahar la’aan ilaa laga gaarayo bisha June ee sanadkaan markaasoo heshiiskiisa kooxdaan uu ka dhamaanayo.

David Beckham oo 37 jir ah ayaa loo xiray numberka 32, waxaana la filayaa inuu u safto kooxda asagoo sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay inuu la ciyaaro Zlatan Ibrahimovic islamarkaana uu macalin u noqdo Carlo Ancelotti.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>