Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay Suldaan lagu dilay Boosaaso baaqna u diray Beeshiisa

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Boosaaso Feb 02 2013 (SDN)– Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa ka tacsiyadeeyay dilkii loo geystay Allaha unaxariistee Suldaan Muuse Faarax Muuse (Onkod) oo Rag hubeysan ay ku dileen Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

C/raxamaan Faroole ayaa u sheegay saxaafada in falkaasi dhaxdinta leh la soo gaarsiiyay ilamarkaana uu aad ugana naxay waxaanu intaasi ku daray in uu tacsi u dirayo Eheladii, Asxaabtii iyo Umada Puntland ee uu ka geeriyooday.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in kooxihii falkaasi geystay oo wararka qaar ay sheegayaan in ay ku labisnaayeen dareeska Ciidanka aan la soo qaban laakiin lagu raadjoogo, howlgalo lagu baadi goobayana ay soconayaan.

Dhanka kale Faroole ayaa beesha Suldaanku ka soo jeedo u diray diniin ah in la qaldo oo ay ku dhaqaaqaan Aargudasho waxaanu tilmaamay Madaxweynuhu in uu aaminsanyahay in dilkaasi ay ka danbeeyeen Nabadiidka Puntland ku sugan.

SDN-Boosaaso

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>