Qarax qasaaro geystay oo xalay ka dhacay Magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari Kenya

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Wajeer Feb 03 2013 (SDN)– Wararka ka imaanaya Magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, ayaa sheegaya in qarax uu kadhacay Bartamaha Magaaladaasi kaasi oo qasaaro geystay.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa bom nuuca gacanta laga tuuro islamarakaan uu ku dhintay qofkii tuurayay sidoo kalana ay ku dhawacmeen 4-qof oo uu ku jiray Askari ciidamada booliska ka tirsan.

Qaraxa oo dhacay salaadii Cishe kaddib ayaa waxaa la sheegay in lagu bartilmaameedsanayay ciidamada Amaanka oo Roondo ka sameynayay Nawaaxiga goobta uu qaraxu ka dhacay.

Dadkii ku dhawacmay qaraxaasi ayaa loo qaaday Isbital ku yaalla Magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Ninka qaraxa bom tuuro oo isaga laftigiisu uu ku geeriyooday ayaa la sheegayaa in uu yahay Kenyan ka yimid gobolada kale ee Kenya balse uusan aheyn qof kamid ah dadka kunool Waqooyi Bari Kenya.

SDN-Wajeer 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>