Xisbiga Ucid Muxuu ka Yidhi Derajo Bixinta Ciidamada.

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Hargaysa3.Feb( SDN) Guddoomiye Ku xigeenka sadexaad ee Xisbiga UCID Md. Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray”, ayaa Warsaxaafadeed uu ka soo Saaray Caasimada Hargaysa waxa uu ku Cadeeyay  Talaabadii ay Maalintii Shalay ku bixisay Darajada Ciidamada ,Waxaa kale oo uu soo Jeediyay  in 1-da Bisha Feberwari loo aqoonsado maalintii Hubka dhigista Somaliland.

Warsaxaafadeedkan oo Dhamaystiran ayaa u dhignaa Sidan:-

                                                    

 .1        Marka hore talaabada ay xukuumadu qaaday ee hirgelinta derejada ciidamada Somaliland Xisbiga UCID wuu soo dhawaynayaa. Waa talaabo aan hore loogu dhiiran. hadii sida ay dadka qaar qabaan ama ka baqayaan ay wax ka qaldan yahiin  ama aanay wada sax ahayn waxa aanu u aragnaa kolay ba in ay tahay talaabo loo qaaday dhinacii saxa ahaa.

 

2.        Sagaal iyo toban sanadood ayaa ka soo wareegay markii ay xoogagii ugu horeeyay Ciidankii Xoraynta EE SNM ay dhamaan hubkoodii waawaynaa ku wareejiyeen gacanta dawladda Somaliland. Waxay ahayd 1dii bisha February 1994kii markii guutadii ugu horeysay ?Gt 10aad- ay hubkeedii dawladda gacanta u gelisay,.taas oo keentay in intii kale na ku dayato oo si is daba joog ah ugu dhiiradeen in ay hubkooda ku wareejiyaan dawladda.

 

Hub dhigiistii xoogaga SNM iyo dhamaan maleeshiyooyinkii beelaha waxa dunida looga yaqaan ? MUCJISADA SOMALILAND?, waayo waxa ilaa iyo hadda aan dad badani fahmi Karin sidii ay Inoogu suurto gashay, iyada oo la ogyahay in bulshada caalamku gacmaha ka laabteen  oo aanay wax ba inaga tarin.

 

Xukuumadaha kala dembeeyay ee Somaliland waxay hub dhigista ka dhigtaan wax ay ku faanaan marka Somaliland ay uga xog waramayaan cid shisheeye ah. Lakiin 19 sanadood mar keliya lama xusin hub-dhigistii oo ay nu wada ognahay qiimaha ay ugu fadhido geedi socodka qaran dhiska Somaliland

Sidaa darteed, Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka(UCID) waxa uu Somaliland ku baraarujinayaa in bisha February la xuso hub ka dhigistii kooxaha hubaysan iyada oo 1da bisha February na loo aqoonsado MAALINTII HUB DHIGISTA SOMALILAND.,

 

-WA BILAAHI TAWFIIQ-

 

G/xigeenka 3aad ee Xisbiga UCID

 Cali Maxamec Yuusuf (Cali gurey)

Hargaysa SDN.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>