“Ereyga Xaqa Ah Ha la Aamusin”… Dardaaran Gaar Ah Oo Gaarriye I Faray W/Q Siciid Gahayr (Hargeysaawi)

Filed under: Features |

Aan afeef ku bilaabo’e Dhambaalkan aniga ayaa qoray, masuuliyaddiisana leh… Wixii uu gedaafo iyo guul sidana aniga ayaa guudka la ii saarayaa…

Waa hilaad aynu hadda ka joogno ugu dhawaan afar gu’ iyo March/2009-kii.. Amintaas waxa aan ku gudo-jiray qoraalka dhigane magaciisu yahay CULUUMTA MAANSADA oo haatan ifka u soo baxay… Aqoonyahannada aan rabay inay faallo ku yeeshaan waxa ka mid ahaa Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” oo markaa bare iigu ahaa Jaamacadda Hargeysa… Hore ayaan ugu dhiibay diiwaankaas.. Kaddib markuu soo akhriyay ayaanu milay habeennimo ah iska soo raacnay Jaamacadda Hargeysa, waanan isu sheegay shakhsiga aan ahay… Gaadhigiisa waxa aanu ku raacnay laba qof (isaga iyo aniga)… Qaab milge iyo maamuus leh ayaan u bariidiyay waayo kaalmo badan ayuu iigu jiray sida macallin, waalid, waaniye iyo hiigsi hammigaygu ahaa inaan noqdo mid kaalintiisa buuxin kara.

Guddoomistii salaanta kaddib ayuu igu yidhi “Adeer, ugu horreyn waan kugu hambalyaynaa dedaalkaaga dhinaca suugaanta” In loo baahan yahay ay tahay ayuu tilmaamay…. Dulucda weedhiisuna waxa ay ahayd inaan faaqidaad ku sameeyo Miisaanka Maansada mar haddii aan ahay ruux uu ilayska tixdu u daaran yahay, xog door ahna aan ka hayo.. Raalli wuxuu ka ahaa, oggolaanshana ii siiyay inaan naqdi, gorfeyn, falanqo iyo hufidba ka idhaahdo cilmiga uu daah-furaha iyo aabbeha u yahay.. In badan ayuu igu guubaabiyay inaan caddeeyo wixii guul iyo gol-daloolo aan ku arkay abbaartaas isagoo i leh “Ereyga Xaqa Ah Ha la Aamusin”….

Si uu taas ii dhacsiiyo tusaaleyaal door ah oo isaga soo maray ayuu iiga sheekeeyay, Alle ha u naxariistee waxa uu Gaarriye i yidhi “Malaha adigu waad yarayde kolkii dalku xoroobay ee dagaalladu ka dhaceen Burco iyo Berbera 1992-kii ayaa waxa ii yimi qolo (aan u fahmay reerkiisa), waxa ay igu yidhaahdeen maanta gabay oo na taageer”… Wuxuu ii carrabaabay abwaanno kale oo sidaas loogu tegay oo la saftay ardaayadooda, uma arko muhiim inaan magacooda sheego. Hadalkiisa ayuu sii watay isagoo i yidhi “Waxa aan tiriyay Geeraarkii Ergo oo laga xanaaqay, la iguna garaacay”.. Waa kolkii uu duullaan ku noqon waayay beel, qabiilkana “uf” uu ku yidhi, si simanna u xusay dadkii hagardaamadu gaadhay…. Welibana uu gardarrada saaray xigaalkiisa… Dhibaatada Gaarriye loo geystay kuma ekayn dhengadayn qudha, gabbood-fallo si qaawan loogula kacay oo kalena waa jireen xilligaa sooyaalka ku hayo, iyagana hoos uguma degayo ee waan guud-marayaa… Wuxuu yidhi “Xaq ayaan sheegay, la iguna hagar-daameeyay”.. Hiil ayuu la garab-istaagay ciddii maamulka iyo majaraha qaranka haysay, taas ayaana lagu qoonsaday… Toloow waa ayo bulshadaas uu runta kula jaalka ahaa? Waa beelaha Garaxajis oo. Halkaas waxa ka huray isa seeg. Waa dhacdo tilmaamaysa qarannimada abwaanku qaatay iyo sida uu tollaysiga uga fogaa. Toloow iyamaa badan dhibta iyo dheefta uu ka helay runtaas uu sheegay?.. Marnaba Gaarriye kuma lurmin xaqa uu oogta ka caddeeyay Ilaahay ha u naxariisto’e.

Dabayaaqadii 2008-da waxa Oslo, Caasimadda Noorwey lagu qabanayay dood lagu kala saarayo cidda loo aqoonsanayo “DAAH-FURAHA MIISAANKA MAANSADA: Caraale mise Gaarriye?. Garnaqaas waxa loo saaray guddi ka kooban sagaal xubnood oo kala ahaa

1.Professor Xuseen Xasan Guuleed-Gudoomiye

2.Cabdilaahi Saleebaan Bide

3.Axmed Cawad Ismaaciil

4.Axmed Warsame “Axmed Dheere”

5.Cali Cismaan Cige

6.Cabdirisaaq Cismaan Fadal

7.Aadan Looshade

8. Axmed Xaaji Nuur iyo

9.Maxamuud Xaaji Ibraahim

Laakiin marka la eego beesha Gaarriye (Sacad Muuse) iyo ta Carraale (Habar Yoonis) waxa ku badnaa xigtada Carraale… Waxa la doonay in Gaarriye loo afuufo caroog uu ka dido, iyadoo la leeyahay “Ma Habar Yoonis oo is-urursatay ayaad la gar-dhiganaysaa?”.. Taas waxa uu kaga fal-celiyay “Dadkii aan 1992-kii ugu hiilinayay Ergo, hadday iga weecanayaan iyaga ay jirtaa ee gartayda waan dhiganayaa”. Gebagabadii go’aanka waxa Gaarriye loo aqoonsaday Daahfuraha koowaad ee Miisaanka Maansada, dhinaca tayada bulshada ayaa loo daayay.

Sheekada aanu wadaagnay intaas kuma ekayn ee waxa uu Gaarriye iiga warramay ergo qaran oo ay 2007-dii ka galeen isu soo dhawaynta mucaaridka iyo muxaafidka. Taas oo ahayd

1. In xukuumaddu sii dayso siyaasiyiinta Ururkii Qaran oo xabsiga loo taxaabay

2. In golaha wakiillada oo mucaarid u badnaa oggolaadaan in la soo hordhigo laba xubnood oo Komishanka Doorashooyinka Qaranka loo magacaabay laakiin ay diideen iyo qodob kale oo aan halmaansanahay hadda

Gunaanadkii mucaaridku waa yeeleen wixii la faray, laakiin xukuumadda ayaa diidday. Kolkaas waxa si cad u sheegay cidda loo taag waayay Gaarriye iyo Hadraawi. Professor Gaarriye waxa uu igu yidhi “Annagu ergo ummadda metelaysa ayaanu ahayn, waa inaanu dadka u sheegno cidda noo qabsoomi weyday, berigaas nin Sheekh ah baa yimi (magaciisa waan qariyay). Wuxuu yidhi Gaarriyoow Madaxweyne Daahir Rayaale ayaa qaldan. Waxaan ugu jawaabay: aniga ha ii sheegine bulshada u sheeg”. Waa tusaaleyaal cad oo muujinaya hadal-caddaantii Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye”.. Waa talo mug leh oo aan guntay inta karaankay ahna aan ku dhaqmi doono haddii Alle idmo.. Alle-bari ayaan ku af-meerayaa “Alle ha u naxariisto Gaarriye iyo ummadda muslimiinta ah ee geeriyootayba”

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

saedmgahair@hotmail.com

Facebook: Saeed Mohamoud Gahair

Akadamiga Waxbarashada iyo Cilmi-baadhista

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>