Halyeygii Reer South Africa Oscar Pristorius oo Maalintii labaad Maxkamad Ka Muuqda (By Jaahuur).

Filed under: Features,Sports,Wararkii ugu Dambeeyay |

Pretoria-Feb-20-2013-qurbejoognews.com-Akhyaartay qormadeena ciyaaraha waxaynu ku eegeyna xiddigii reer South Africa Oscar Pistorius oo maxkamad hortaagan maalintii labaad markii lagu soo edeeyey inuu saxiibaddii khaarijiyey.

Hadaba habeenkaas uu dilku ka dhacay Oscar gurigiisa waxaa la maqlayey qeylo qof dumar ah,muran varabadan iyo xabado sidaana waxaa ka dhawaajiyey oo Booliiska u sheegey jaarkiisa (Neibourhood).

Xiddigan gabalkiisu dhacay ee naafada ah kuna guuleystey laba Biladood oo dahab ah ciyaarihii Olmbikada ee sannadkii aynu soo dhaafney Oscar Pristorius ayaa ku andacoonaya in rasaasta marka uu ridayey u maleeyey inuu tuug u soo dhacay raaciyeyna waxba kama jiraan inaan ogaan u toogtey.

Ilaa iyo hadda oo ay baadhis ku socoto gurigiisa ayaa saaka laga heley laba kartoon oo cirbado ah laakiin qareenadiisa ayaa shaaca ka qaadey ineyna ku lug lahayn wax yaabaha loo heysto,waxayna intaa raaciyeen in damiin lagu sii daayo sababta oo ah wax cadeyn ah laguma hayo.

Gabadhan lagu tuhmayo inuu saaxiibkeed khaarijiyey oo lagu magacaabo Reeva Steenkamp ayaa ka mid ahayd gabdhaha Moodalka waxayna u doodi jirtey xuquuqda dumarka.

W/ Qorey Jaahuur

qurbejoognews.com

jjaahuur@hotmail.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>