Qiimee Qofkaaga:Faysal Cali Waraabe Axyaa Wadani

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Hargeysa Feb 22,2013(SDN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka mid noqday 100 oo ku guuleystay in ay yihiin Haldoorka Somaliland ka dib codeyn ay shicibku sameeyeen.

Qiimeyntan oo ay soo bandhigtay Hay’ada qiimeynta Somaliland ee SONEC ayaa guddoomiyaha Ucid u gararatay in uu yahay ruux Muwaadin dhaba.

Guddoomiye Faysal Cali ayaa abaalmarinta ku muteystay sida qiimeynta SONEC sheegtay in uu danta guud mar walba ka hormariyo ta gaarka kol walba.

Gudoomiyaha UCID ayaa hore uga soo qeybqaatay nabdeyntii dalka,intii nidaamka xisbiyada faraha badan la aasaasayna ku sifoobey tanaasul iyo isu soo jiid.

Difaaca Somaliland iyo dhab hadal aan waabasho lehyn ayaa marar badan uu kala kulmay dib u dhac siyaasadeed Gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe.

SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>