Ururka Suxuufiyiinta Somaliland SOLJA oo soo saaray warbixin ka warameysa Tacadiyadii saxaafada lagula kacay sanadkii tegay,ka maageyse ka hadalka khaladaadka Saxaafadu geysato

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Hargeysa Feb 22 2013(SDN)-Ururka Suxuufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa soo saaray warbixin uu ku soo bandhigay dhiilooyiinkii soo wejahay Suxuufiyiinta sanadkii tegay.

Warbixinta oo uu ku sexeexan yahay Xoghayaha Ururka Maxamed-Rashiid Muxumed Farah ayaa mid mid loogu soo bandhigay Xarig ay xukuumada Somaliland u geysatay Suxuufiyiin ka hawlgala dalka.

Warbixinta SOLJA waxa lagu sheegay in 81 suxuufi xabsiga loo taxaabay sanadkii tegay,tiradaa oo ka badan tii sanad ka hor.

SOLJA ayaa warbixinta ku sheegtay in dhamaan xariga suxuufiyiinta aan wax sharci ah loo marin,hadeey tahay shuruucda caalemiga ah ama ka saxaafada ee Somaliland.

Xariga ugu mucjisada badan ee warbixinta lagu xusay waxa uu ahaa mid loo geystay wariye Barkhad Cumar Cabdi oo ka tirsan TVga Qaranka Somaliland,kana hawlgalayay Laascaanood.

SOLJ ayaan warbixinteeda ku soo qaadin baahida balaaran ee loo qabo tayeynta iyo tusaaleynta saxaafada ee marar badan keenta xariga iyo waxyeelo kaleba.

Sidoo kale muhiimed gaara lama siin sida tababrada noocaas ahi ay gacan uga geysan karaan in suxuufiyiintu ay doorkooda weli banaan u buuxin lahaayeen.

Aqoontaa maqan iyo Xukuumada oo marar badan ku degdegta xariga iyo cadaadiska saxaafada ayaa sumcad xumo keena.

Saxaaafada Somaliland ayaa Xisbiga Kulmiye berigii uu Mucaaridka ahaa si weyn ugala shaqeynayay dhaleeceynta xukuumadii UDUB.

Balse doorashadii madaxweyne Axmed Siilaanyo dabadeed ayaa saxaafadu qun yar qun yar mucaarad isugu bedeshay.

Sababha arinkaa loo aaneyo ayaa u badan ka dib kolkii suxuufiyiin badani ay xilal ka waayeen xukuumada,halka qaar kalena lagu taxay xilal sar sare.

Xaalkuse waxa uu cirka isku sii shareeray ka dib kolkii ururo badani ay ku hareen loolankii goleyaasha degaanka ee Somaliland.

Saxaafada Somaliland oo marxalado ku hada ay ku sugan tahay qaar dhaama soo martay ayaa haatan u xuub siibetay qaab beeleed”Suxuufi/warbaahin beeleed”.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>