Xukuumada Somaliland iyo Hay’adaha Amaanka oo ka hadlay Hawlgaladii ay Ciidamadu Sameeyeen Habeenadii u danbeeyay(DHEGEYSO)

Filed under: Features,Wararkii ugu Dambeeyay |

Hargaysa 22.Feb (SDN)  Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Nuur Caraale Duur  oo ay Weheliyaan Taliyaha Ciidamada Booliska Sareeye Guuto C.laahi Fadal Iimaan iyo Saraakiisha Amaanka ee Somaliland  ayaa galabta ka Warbixiyay hawlgaladii u danbeeyay ee ay qaadeen Ciidamada Amaanku,kuwaas oo lagu qabqabtay dad tiro badan .

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa Sheegay in hawl galada ay Ciidamadu qaadayeen uu Salka ku hayay Xoojinta nabadgalyada,waxaanu xusay in digniintii ka soo baxday dawladaha Ingiriiska iyo Maraykanku ay taxadir badan gelisay isla markaana aanay jirin Wax dhibaato ah oo ka taagan Somaliland.

Mudane Maxamed Nuur Caraale Duur waxa uu Mahadceliyay Shacabka Somaliland oo gacan buuxda Siiyay Ciidamada Amaanka isagoo tilmaamay in dad badan ay ku soo qabqabteen hawgaladan kuwaas oo qaarkood la sii daynayo kuwo kalena ay Qirteen danbiyo lagu soo eedaynayo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland waxaa hadalkiisii ku Sheegay inay Sugayaan Dhawaqa ka soo bixi doona Wasaarada Arrimaha Dibada ee Ingiriiska kuna Wajahan waxa iska bedelay Cabsidii ay hore u qabeen.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Caraale  Duur waxa uu baaq u diray culimadda Somaliland ,oo uu ka dalbaday inaanay Cabsi ka Muujin Xogta badan ee ay hayaan  wuxuu yidhi “Sidoo kalena waxaan halkan fariin uga dirayaa culimo-awdiinka ummadda waxaynu ka baran karnaa xogta, waxay ogyihiin khalad kasta oo loo adeegsaday diin oo ay dad argagixiso ahi adeegsadeen. Waxa culimadda soo gaadhay Somaliland kamay dhicine’ in raggii waaweynaa ee culimadda ahaa lagu dilo dariskeena. Masiibadda agteenna ka dhacaysaa ma aha mid aynu ka fog nahay, laakiin ILAAHAY mahaddii waanay ina soo gaadhin.

Sidoo kale Taliyaha Ciidamada Booliska ee Somaliland Sareeye Guuto C.laahi Fadal Iimaan ayaa dhiniciisa ka sheegay in Tiro dad ah ay ciidamada boolisku ka qabqabteen Magaalooyinka Hargaysa iyo Laascaanood waxaanu Shacabka ka raali galiyay cid kasta oo dhibsata hawlgalada lagu sugayo amaanka wadanka Waxaanu Yidhi “Ciidammadda booliska iyo Kuwa kale ee ammaanku waxay beryahanba ugu ku gudo jireen hawl-galo aad u waaweyn oo aad uga adag kuwii hore oo laga fuliyay Laascaanood iyo Hargeysa, waxaan ka codsanaynaa dadweynaha Somaliland inay sii kordhiyaan taageeradda ay ciidammadda amniga la garab taagan yihiin,”.

Waa Markii u horaysay ee ay Xukuumada iyo Saraakiisha Amaanku ka hadlaan dad laga qabqabtay habeenadii u daneeyay Magaalooyinka Waaweyn ee Somaliland,Iyadoo Warar Xog ogaal ahi ay noo xaqiijiyeen in dadka la qabqabtay ay ku jiraan Saraakiil ka tirsan Ururka Ashabaab oo ku Sugnaa Magaalada Hargaysa kuwaas oo soo qabashadooda ay dawlada Somaliland gacan ka siiyeen Sirdoonka Ingiriiska.

 

Hargaysa SDN.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>