Madaxweynaha dalka Kenya oo Amaanay Ciidamada Kenya ee howlgalka kawada Koofurta Soomaaliya

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Eldoret Feb 23 2013 (SDN)–Madaxweynaha dalka Kenya Mwaki Baki,oo si weyn u amaanay howlgalka ciidamadiisa ay ka wadaan dalka Soomaaliya,waxaana uu ku dhawaaqay inay sii wadi doonaan taageerada Malitari ay u fidinayaan xukuumada Soomaaliya.

Mwaki Baki,Madaxweynaha Kenya oo shacab badan oo Kenyaan ah ka hor hadlayay Maalintii shalay ayaa sheegay in wadankiisa uu sii kordhin doono ciidamada Malitariga uu u soo dirayo Soomaaliya si ay qeyb kaga noqdaan nabad ku soo dabaalida Soomaaliya.Wuxuu sheegay Kibaki in kuwa haatan Soomaaliya ku sugan meel wanaagsan howshooda ay mareyso,islamarkaana ka qeyb qaateen sidii gobolo badan ay ku soo celin lahaayeen gacanta dowlada Soomaaliya,isagoona intaasi raaciyay inaysan marnaba joojin doonin taageerada hagar la’aaneed ay ku caawinayaan shacabka iyo xukuumada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo qudbadiisa ahayd mid dhinacyo badan taabaneysay ayaa sidoo kale uu u mahad celiyay Saraakiisha hogaamineysa howlgalka ciidamadiisa qeybta ka ah AMISOM,isagoona ku tilmaamay saraakiil mudan in loo mahad celiyo.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha dalka Kenya Mwaki Baki,ayaa hoosta ka xariiqay in ifafaalaha iminka dalka Soomaaliya laga dareemayo ay soo dhaweynayaan kuna dadaali doonaan sida uu sheegay inay sii wadaan oo aan gadaal loo noqon.

Hadalka Madaxweynaha Kenya ayaa ku soo aadaya xilli ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howgalka AMISOM,ay qeyb ka yihiin dagaalada looga soo horjeedo Al-shabaab,islamarkaana la wareegay Magaalada Kismaayo sanadkii la soo dhaafay halkaasi ay ku xooganayeen Al-shabaab.

SDN-Eldoret 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>