Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaare Ku-xigeenka dalka Turkiga oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Muqdisho Feb 23 2013 (SDN)— Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaare Ku-xigeenka dalka Turkiga ayaa saakay soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Wafdiga uu hogaaminayay Ra’iisul wasaare Ku-xigeenka dalka Turkiga Bakir Bosdig ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka hormarinta dalkaasi, waxaana ku soo dhaweeyay garoonka Aadan Cade Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Fowziyo Yuusuf Xaaji iyo Wasiirka Maaliyada Soomaaliya.

Imaatinkooda kaddib shir saxaafadeed uu ku qabtay Madaarka Muqdisho Ra’iisul wasaare Ra’iisul wasaare Ku-xigeenka dalka Turkiga ayaa waxa uu ku sheegay in u jeedka ay u yimaadeen Soomaaliya ay ugu weyntahay hormarinta dalka.

Waxaa la filayaa in Wasiirka hormarinta dalka Turkiga uu kulan la qaatay Wasiirka Maaliyada Soomaaliya kaasi oo ay kawada hadlidoonaan arrimo badan oo Muhiim ah.

Dowladda Turkiga ayaa ah dalka ugu weyn ee hada Mashaariicda dib u dhis kawada Magaalada Muqdisho ee Casimada Soomaaliya iyagoo hada ku howlan dib u dhiska wadooyinka Muqdisho.

SDN-Muqdisho 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>