Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee Telesom oo Abaal-marintii 10aad gudoonsiisay qaar ka mid ah Shaqaalaheeda (Daawo Sawirada)

Filed under: Features,Wararkii ugu Dambeeyay |

Hargeysa 01, March 2013 (SDN)- Shirkadda Isgaadhiinta casriga ah ee Telesom ayaa abaal-marin gudoonsiisay shaqaalaha shirkadda ee sida hawl-karnimada ah u soo shaqeeyey sanadkii la soo dhaafay ee 2012. Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo xalay lagu qabtay hotel Ambassador, ayaa loogu magacdaray munaasibada 10-aad ee Abaal-marinta Shaqaalaha Shirkada Telesom ee sanadka 2012, taasoo ay ka soo qayb-galeen qaar ka mid ah golaha Baarlamaanka, golaha wasiirada, aqoon-yahano, culumo-awdiin, salaadiin, masuuliyiinta sarsare ee shirkada Telesom, ganacsato, shaqaalaha shirkada iyo marti sharaf kale oo badan.

Dhan kale, waxa iyana xaflado is barkani ka dhaceen dhamaan lixda gobol ee dalka, halkaasoo si toos ah dhamaan xarumaha gobolada dalka la iskaga wada daawanaayey habka video Conference. Magaalo madaxyada gobollada sida toosa ah khadka ugu jiray waxaa ka mid ahaa Hargeysa, Togdheer, Saaxil, Awdal iyo Laascaanod.

Ugu horayn waxaa kalmada soo dhawaynta iyo ujeedada xaflada ka waramay maamulaha Waaxda maamulka muddan Faarax Sugaal, waxaanu ugu horayn mahadnaq iyo salaan u soo jeediyey dhamaan marti-sharaftii kala duwanayd ee ka soo qayb-galay xafladan. Muddane Faarax Sugaal ayaa ku tilmaamayn in xafladani ay tahay xaflad sanadle ah oo lagu abaal-mariyo shaqaalaha shirkada Telesom. Faarax Sugaal ayaa ka war bixiyey hanaanka shirkadu u shaqalaysiiso shaqaalaha cusub, waxaanu tilmaamay in shirkada Telesom ay ka mamnuuc tahay Xigtaysi iyo Qabyaaladi, waxaanu tilmaamay in shirkada Telesom ay ka shaqeeyaan shaqaale kala duwan oo nooc kasta oo bulshada ka mid ahi ay ka mid yihiin. Faarax wuxuu si gaar ah u tilmaamay in shirkada Telesom ay mudnaan gaar ah siin doonto dadka naafada ah ee loo yaqaan Disable.

Waxaa isaguna xaflada Abaal-marinta ka hadlay guddoomiyaha Shirkadda Telesom Mudane Cabdikariin Maxamed Iid, waxanu mahadnaq balaadhan usoo jeediyey marti sharaftii kala duwanayd ee ka soo qaybgalay xaflada Abaal-marinta shaqaalaha shirkada Telesom.

Gudoomiye Cabdikariin ayaa hambalyo gaar ah u diray shaqaalaha weynaha shirkada Telesom ee ku kala sugan dhamaan gobolada dalka. Mudane Cabdikariin Maxamed Iid waxa uu yidhi, “Shaqaaluhu waa laf-dhabarta shirkada, shaqaalaha ayaa ah kuwa faa’iidada usoo saara shirkada, shaqaalaha ayaa ah kuwa magaca iyo sharafta u soo hooyey shirkada.”

Guddoomiyaha shirkadda Telesom Mudane Cabdikarin ayaa tilmamayin in hadafka shirkada Telesom tahay raali-galinta macaamiisha, sidoo kalena ay Shirkada Telesom sanadkasta ay keento adeegyo cusub, taas oo ay ujeedadu tahay in la dabool baahiya macaamiisha.

Guddoomiyaha ayaa mar uu ka hadlayey heerka ay shirkadda Telesom ka gaadhay tiknoolajiyada waxaa uu xusay in Somaliland ay kaalinta 14-aad ka gashay Aduunka adeegsida Mobile Banking ka.

Xafladan Abaal-marinta shaqalaha ee shirkada Telesom ayaa sidoo kale si toos ah shaashadaha video conference ay iskaga wada daawanaayeen dhamaan xarumaha magaalo madaxyada ku yaala sida Hargeysa, Burco, Boorama, Berbera iyo Laacsaanood. Xarunta Shirkada Telesom ee magaalad Burco waxaa khadka tooska ah ee video Conference ka soo galay Suldaan Cismaan Sul. Cali Madar iyo Abwaan Maxamed Ibraahin Hadraawi, waxanay hambalyo, salaan iyo guubaabin u soo jeediyeen umadda reer Somaliland, gaar ahaana shaqaalaha Shirkadda Telesom, waxaanay shirkada ku amaaneen dhiiri-galinta ay shaqaalaheeda u samayso sanadkasta.

Dhanka kale, waxaa xaflada Abaal-marinta ee shaqaalaha Telesom ka hadlay masuuliyiin, culimo-awdiin, salaadiin, bulshada rayidka  oo ay ka mid ahaayeen, Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Cirro, Wasiir Qorshaynta Qaranka Sacad Cali Shire, Wasiir Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi, Wasiirka Ganacsiga Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Sheekh Adan Ciiro, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland, Maxamed Shukri, Ku-simaha Gudoomiyaha SONYO, Faadumo Saciid, Suldaan Axmed Daahir iyo Cabdilaahi Baaruud oo ku hadlayey Afka Saamilayda Shirkadda. Dhamaan masuuliyiinta waxay hambalyo, mahadnaq, amaan iyo  dhiiri-galin u soo jeediyeen Shirkada Telesom iyo Shaqaalaheeda, waxaanay shirkada Telesom ku tilmaameen in ay tahay shirkad hormuud u ah horumarka dalka. Kaalinta mug lehna ay ka qaadato, dhinacyada cashuur bixinta, ka qayb-qaadasha arimaha bulshada, soo kordhinta adeegyo bulshada wax-tar wayn u leh, shaqaalaysiinta bulshada iyo ka qayb qaadashada wax kasta oo bulshadu ku horumari karto.

Ugu dambayntii waxaa abaal-marin kala duwan la gudoonsiiyey shaqaalihii ugu wanaagsanaa Qayb kasta oo ka mid ah qaybaha kala duwan ee shirkada Telesom iyo xarumaha gobolada dalka ay shirkadu ku leedahay. Waxaa sidoo kale iyaguna abaal-marino ku gulaystay qaar ka mid ah shaqaalaha shirkada oo Tababaro Aqoon-koradhsi ah siiyey shaqaalaha kale ee shirkada.

Abaal-marintan oo ahayd Abaal-marintii 10-aad waxay si toos shahaadooyin loo gudoonsiiyey shaqaalaha waynaha shirkada Telesom ee ku sugan magaalooyinka Burco, Berbera, Borama, Ceerigaabo, Laascaanood iyo dhamaan xarumaha shirkadu Telesom ku leedahay gobolada dalka oo dhan.

Qurbejoog.com, Hargeysa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>