Saraakiil reer Buuhoodle ah oo Hargeysa u yimi ku biirida ciidamada Qaranka(DHEGEYSO)

Filed under: Features,Wararkii ugu Dambeeyay |

Hargeysa Feb 02,2013(SDN)-Wasiirada Wasaaradaha Gaashaan Dhiga Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami,Dibu dejinta Mudane Saleebaan Ciise Axmed “Xaglo Toosiye” iyo Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha Mudane Cismaan Garaad Soofe  ayaa maanta si diiran ugu soo dhaweeyay Magaalada Hargaysa Saraakiil ka tirsan Deegaanka Buuhoodle kuwaas oo ku soo biiray Ciidanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland .

wasiirka wasaarada gaashaandhiga ee j-sland md Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami oo madashaa soo dhawaynta ka hadlay ayaa sheegay in si kal iyo laab ah ay ugu soo dhawaynayaan iyaga oo ka wakiil ah xukuumada Jamhuuriyada Somaliland.

Waxaa kale oo uu u  u mahad celiyay sarkaakiishan nabadda qaatay ee ku soo biiray ciidammadda qaranka, waxaanu xusay inay si milgo leh u soo dhawaynayaan xukuumad ahaan.

Geesta kale .

Sidoo kale Maxamed Saleebaan Magan oo ku hadlayay magaca saraakiishan ayaa sheegay inay wakiil ka yihiin maleeshiyo ku sugan magaaladda Buuhoodle oo metasha shacbiga deegaankaasi isla markaana ku niyad san inay ku soo biiraan Ciidamada Qaranka.

 

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>