Wiil ay Walaalo yihiin Madaxweyne Barack Obama oo ka qaybgalaya doorashada Maanta ee Kenya, muxuuse yahay hal-ku-dhigiisa ololuhu?

Filed under: Features,Wararkii ugu Dambeeyay |

Nairobi March, 4, 2013 (SDN)- Malik Obama oo ay walaalo yihiiin Madaxweynaha dalka Maraykanka Mr. Barack Obama, ayaa u tartamaya xafiiska gobolka ku yaala galbeedka dalka Kenya, kaasoo ka qaybgalaya doorashooyinka Isniinta maanta ka bilawday dalkaas.

Mr. Malik Obama wuxuu Isniinta maanta sheegay in walaalkiisa aabihii dhalay oo ah Maaxweynaha Maraykanka Barack Obama uu balanqaaday inuu booqan doono haddii doorashooyinku noqdaan kuwo xor iyo caddaalad ah.

Malik oo ah 54-jir xisaabiye ah, wuxuu sheegay in hal-ku-dhiggiisa tartanka guddoomiyenimada ee gobolka Siaya uu yahay “ISBEDEL”.

Siday ku warantay AAP, kelmada hal-ku-dhigga “Rejo iyo isbedel” waxay ahayd mid uu walaalkii ku soo qaatay tartankii Madaxweynenimada Maraykanke ee 2008.

Laakiin, Malik Obama, isbedelku wuxuu ula macno yahay “cidhib-tirka saboolnimada, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo shaqo-abuuris.”

Mr. Malik ka hadlay sida uu ku keenayo ka midho-dhalinta rejadiisa, wuxuuna wakaalada wararka dpa telefoon ugu sheegay oo uu yidhi; “Waxaan ku fulinayaa daacad, masuuliyad iyo in aan marka koowaad daryeel u sameeyo dadkayga.”

Wuxuu sheegay in walaalkii Barack Obama oo 51-jir ah uu wadahadalkoodii u dambeeyay ahaa kadib doorashadooyinkii (dhowaan ee dib loogu doortay walaalkii) ee dalka Maraykanka, markaas uu balanqaaday inuu Kenya booqan doono haddii uu doorashooyinku ku qabsoomaan caddaalad iyo si xaliibnaan ah.

Malik Obama wuxuu sheegay in guulaha walaalkiisa ka yari ay niyad-gelin iyo dhiirigelin siisay dhaqdhaqaaqiisa siyaaadeed.

Qurbejoog.com, Nairobi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>