Garab ka Tirsanaa Urur Siyaasadeedkii Rays oo Magaalada Burco kula Midoobay Xisbiga Waddani

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Burco 05.March (SDN) Garab ka Mid ah Urur Siyaasadeedkii Rays ayaa maanta ku biiray Xisbiga Wadani taas oo lagu qabtay Huteel Deero oo ku yaala  Magaalada Burco.

Munasibaddaas waxa hadalo u badnaa taageerada ay xisbiga WADANI u hayaan ka jeediyey, Ganacsade Cabdi Salaad Rooble, Caqil Cali Bulaale, Suldaan Axmed Faahiye , iyo Faysal Abokor Dhunkal oo ka mid ah masuliyintii ururka RAYS ee Celafweyn, Cumar Xasan Gaani  oo ka mid ah masuliyiintii ururka RAYS ee Gobolka Saraar,Xildhiban Nur Qasim Qodax Rays, Xildhiban Xasan Casayr,Xildhiban Axmed Qani, Xildhiban Muse Cabdi Xashi, iyo Xildhiban Khadar Axmed oo ka mid ah xildhibanada Golayasha degaanka gobolka saraar iyo deegamada ceel afweyn, dhammaantood waxay xusen in muggii iyo miisaankii ururka RAYS uu kan yahay balse koox tiro yar oo guddomiyuhu hogaaminayey ku biireen xisbul xaakimka kulmiye wax talo ahna aanay ku lahayn ku biiritaanka halkaas, waxay masuliyiinta ururka Waddani u soo jeediyeen inay diyaariyaan  xilalkiii iyo kuraastii beeshan ku soo biirtay ururka iyo weliba Garabkan ka mid ka ahaa RAYS ee cuddudooda ku soo xoojiyey Xisbiga WADANI.

Waxaa kale oo ay iska daba Mareen  inay ku faraxsan yihiin ku soo biirista Xisbiga Wadani,Waxaa kale oo ay hogaanka Xisbigaas u soo jeediyeen inay ka warhayaan horumarka Gobolada bari .

Siyaasi Cali Maxamed Waran Cadde iyo Xoghayaha Gud ee xisbiga Waddani Maxamed C/lahi Uurcadde ayaa dhinacooda ka Sheegay inay Si niyad furan u soo dhawaynayaan Garabka ka tirsanaa Urur Siyaasadeedka Rays ee Ku Soo biiray  Miisaanka leh ee ku soo biiray Xisbiga Wadani, iyagoo ballanqaaday inay mansab kasta oo ay doonayaan diyaar ula Yihiin.

Guddomiyaha Xisbiga Wadani ahna Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland Mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro oo gebogabadii munsibaddaa ka hadlay ayaa ugu mahadnaqay Garabka ka tirsanaa Urur Siyaasadeedkii Rays ee la Midoobay Xisbiga Wadani,Waxa uu Gudoomiyuhu Sheegay in Xisbiga Wadani uu yahay Mid ka dhexeeya Ummada Somaliland isagoo Tilmaamay Mabaa’diida uu u tagan yahay.

 

Guddoomiyuhu wuxu sheegay in xubnihii masuliyiinta ahaa ee ururkii RAYS ee uu hogaminayey xasan gaafaadhi uu xisbiga kulmiye martiqaaday balse Miisaankii ururka RAYS uu yahay kan maanta la bahoobay Xisbiga WADANI,  Waxaanu Gaashaanka u daruuray  ka qaybgalka shirka Bisha may lagu qabanyo London.

Gudoomiyaha iyo Weftigiisa ka hor intii aanay Gaadhin Magaalada Burco Waxaa Duleedka Magaaladaasi kaga hortagay Madaxda Xisbiga Wadani ee Gobolka Togdheer iyo ka Garabka Urur Siyaasaddeedka Rays ee la bahoobay.

Burco SDN.

Qurbejoog@gmail.com


 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>