HADAAD ARAKTO SHEEKH MAR WALBA LA XIDHAYO RUN BUU SHEEGAY,HADAAD ARAKTA SHEEKH DADKOO DHAMI RAALI KA YAHAY WALI RUNTII MUU SHEEGIN

Filed under: Dacwada,Features |

Waan idin salaamayaa dhamaantiin asclwrxwbrktuh

Ku socota dawlada  hadalka toosan ee xaqa ah dood iyo muran iyo xadhig waad kala hortimaadaana  maantana sheikh maxamuud geele  ma waxaad ku xidheen waxaad dhamaantiin is wada tiraahdaan uun buu yidhi ee ma wax kale ayuu yidhi.

Waligeedba xaqa iyo baadilku waa col dadka runta sheega iyo dadka beenta sheegaana waa col haddaba marka baadilku  helo xukun  uu amro waxaa uu ku wareegsadaa munaafiqiin  uu ku amro la soo dagaalama kuwa xaqa sheegaya  iyo runta  umana aabo yeelo cidna waayo hogaamiyahoodu waa iblays nacadali ha ku dhacdee  ogaada guushuna waxay ku danbayndoontaa haddii alle yidhaa muuminiita runta iyo xaqa sheegayee .

Waxaanse la yaabanahay culimada reer hargeysa ee xaqa huwinaya  markhaatiga dulaysan ee ah aamuska culimada waxaa ku waajib ah haddii sheikh saxsan yahay inay taageeraan haddii uu khaldan yahayna u naseexeeyaan sida islaamku na farayo ooy la taliyaan laakiin aamusku waxaa uu ka tarjumayaa inaad taageeraysaan baadilkaasi foosha xun ilaahayna waa idiinku cadhoon .shacbigana waxaan leeyahay marka la xidho ku sheegtay boqor iyo suldaanada ee la idinka xidho waad wada qaylisaane, u hiiliya awliyada ilaahay haddii kale cadho alle ayaa idinku dhici waanay idinku socotaa iminka ciqaabtii oo waydinkaa amnigii arka hargeysa halkuu maraayo waayo kuwiina xaqa sheegi uma hiilisaan ee awaxaad u hiilisaan kuwiina aad adduunka ku walaalowdeen  ee aad isku qolada tihiin waar sheikh maxamuud waxay isku qolo yihiin nabi maxamed s.a.w. ee haddaad nabiga jeceshihiin u hiiliya wakiiladiisa jecel inay soo nooleeyaan sunadiisii , nabigana waxay isku qolo yihiin ninka jecel sunadiisii inii raaco muumintu waa walaalo waa isku qolo ilaahay hortii bay walaalo u yihiin oo iskugu hiiliyaan magaciin baye sheikh u kaca haddii kale fisha cadho alle walee inaydaan  barwaaqo arkaynin hadaydaan  u hiilin awliyadiisa iyo kuwa xaqa sheegayaba .

 

Sheikh bashiir waad ogtihiin oo waynu ku ceebaysanahay waar sheekhana yaan ceebi inaga raacin  culimadeena iyo shacbi ahaanba aan duliga ka gilgilano oo yaan nin sheikh iyo mid kalaba la dulmiyin intaynu nool nahay aan ka dhiidhino dulmiga munaafiqiinta  xaaji af qalooca waxaa uu yidhi gabaygii uu u tiriyey  sheikh bashiir sidan

Dadkii u necbaa iyo kufaraa daawasho u yimiye

Dacsad iyo ihaaniyo cag baa loogu sii daraye

Maydkiisii daahirka ahaa markii debeda loo jiiday

Kolkii aaska loo diiday waad wada dul joogteene

Ma danqado jidhkiiniye waadna  ku digateene

Nasab hadaad duriyaddii tihiin kama dareerteene

Duli inaad tihiin buu hubsaday diinta caasiyaye

Dahab buu ku iibshaa dhulkaa dir u lahaydeene

Midna darajo kuma haysataan labada daaroode

Duligaasi ku jira noloshu waa idinku deel qaafe

Dinadaha  iyo idinkuba horaad u damac xumaydeene

(gabadyga siduu iskugu xigay umaan soo tabin baydba meel ayaan ka soo qaatay)

 

waad aragtaan sida laynoogu gabyey uma hiilino culimadeena  waar aynu ilaahay raali galin oo yaan nin ilaahay xaqiisa sheegi laynga hor waxyeelayn inagoo nool iyo qof muslin toona

sidaa iyo nabad gelyo

fuad farah jawi

Ottawa Canada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>