Madaxweyne Siilaanyo oo Maanta Xafiiskiisa ku Qaabilay Arday ka Tirsan Dugsiyada Sare ee Dawlada ee Caasimada Hargaysa

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Hargaya 05.March.(SDN)   Madaxweynaha JSL MD Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa manta xarunta madaxtooyada ku qaabilay arday ka tirsan dugsiyada sare ee dalka qaarkood kuwasoo socdaal aqoon korodhsi ah ugu tegay madaxtooyada.

Ardaydan oo ka tirsan Shan ka mid ah Dugsiyada Sare ee dawlada ayaa Waxaa horkacaysay Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Marwo ZamZam Cabdi Aadan waxaana ardaydaasi si diiran ugu qaabilay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Madaxtooyada,Afhayeenka Madaxtooyada, waxay soo indho indheeyeen Qaybaha kala duwan ee dhismaha aqalka Madaxtooyada,Ardaydan waxaa warbixin ku saabsan habka iyo hanaanka ay u Shaqeeyaan Xafiisyada Madaxtooyada ka siiyay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo Afhayeenka Madaxtooyada .

Waxaa markaa kadib Ardaydan qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo uu Weheliyo Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici iyo Wasiirka Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo hadal kooban oo dhawayn ah u jeediyay ardaydaas ayaa waxaa uu Yidhi “Waxaan idiinku Soo dhawaynayaa Xarrunta Madaxtooyada iyo Xafiiska ugu sareeya Dalka waxaan Filayaa inaad soo aragteen Qaybaha ay Madaxtooyadu ka kooban tahay,Xaqiiqdii Waxaad tihiin Jiilkii Qarankan u Soo Kacayay ee Hogaaminta Wadankani Mustaqbalka Majaraha u Qaban lahaa,Waxaan idiin Rajaynayaa intiinan iyo Kuwa kale ee aan Nasiibka u helin inay Soo booqdaan Madaxtooyada inaad ku dadaashaan Waxbarashadiina” Sidaa Waxaa Yidhi Madaxweynaha Somaliland

Geesta kale Xubnahan ardayda ah ayaa u mahadceliyay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa iyagoo sheegay inaanay ku hamin jirin inay la Kulmi doonaan iyagoo da’a yar Madaxweynaha iyo Golaha Xukuumadiisa .

Waana markii u horaysay ee arday ka tirsan dugsiyadu ay kulan la yeeshaan Madaxweynaha Somaliland .

         

Hargaysa SDN.

Qurbejoog@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>