War Deg-Dega:Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobey oo Soomaaliya Cunaqabateyntii ka qaadaya

Filed under: Features,Wararkii ugu Dambeeyay |

New York Mar 05,2013(SDN)-Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa lagu wadaa in uu maanta kulan uu ka yeelanayo cunqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya uu ku fasaxo in Soomaaliya hub loo iib geeyo.

Shan iyo Tobanka dal ee Gollaha Amaanku ka kooban yahay ayaa lagu wadaa in ay ansixiyaan in Cunaqabateynta Hubka Soomaaliya laga Qado Mudo sanada si dawlada Soomaaliya ay ula dagaalanto kooxda Al Shabaab.

Qaraarka ayaa waxa diyaariyay dawlada Britain waxaanu xadidayaa hubka noocyada la siin karayo ciidamada Soomaaliya.

Soomaaliya waxaan loo ogoleyn hubka nuucyadiisa culculus sida gantaalada la yiraahdo surface-to-air missiles, howitzerska iyo madaafiicda Goobta.

Sidoo kale waxa Soomalaiya la damacsan yahay in loo fasaxo in ciidamada amniga loo tababaro.

Dalka Ruushka ayaa ah ka qura ee ka mida Gollaha Amaanka ee doonaya in loo dhamaado isla qaadashada nooca hubka Soomaaliya loo fasaxayo.

SDN=New York

contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>