Xukuumadda Soomaaliya oo wada qorshe ay kula wareegeyso Magaalada Diinsoor, Bay

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Dhuusamareeb March 05 2013 (SDN)— Wasaarada Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa daboolka ka qaaday inay wadaan qorshooyin ku aadan la wareegida Degmada Diinsoor ee Gobalka Baay.

Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa sheegay in inta badan Degmooyinka Gobalka Baay ay gacanta ku hayaan ciidamada xooga dalka Soomaliyeed deeganada iminka harsan ay gacanta kusoo dhigayaan.

Fiqi wuxuu sheegay in hada qorshaha socda uu yahay sidii ciidanka Dowladda ay uqabsan lahaayeen Degmada Diinsoor oo ay iminka ku sugan yihiin Xoogaga Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Fiqi ayaa ku amaanay ciidanka Dowladda Soomaaliya dadaalada ay dib ugula wareegayaan deeganada ay Shabaab maamulaan.

Dhawaan ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM waxa ay la wareegeen gacan ku haynta Degmada Buurhakabo ee Gobalka Baay halkaasi oo ay ku sugnaan jireen Ururka Al-Shabaab.

SDN-Dhuusamareeb

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>