Hargaysa 08. September 2017 (SDN/QJ):- Ciidanka Booliska Somaliland ayaa Habeenkii Arbacadu soo Galaysay waxay Xabsiga u taxaabeen Sheekh Aadan Sunne oo ka mid ah Culimada caasimadda hargaysa.
Sheekh Aadan Sunne ayaa la filayaa in Sababta xadhigiisu tahay Khudbad uu Maalintii Ciida Carafo ka jeediyey Garoonka kubada cagta ee hargaysa Iyo Masaajidka uu Tujiyo oo ku ag yaala Garoonka weyn ee hargaysa Studium.
