|

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka oo ka hadlay isku day dil oo uu ka badbaaday Iyo Dhaawac soo Gaadhay DAAWO

Hargaysa 10. Jan 2019 (SDN/QJ):- Agaasimaha guud ee Horumarinta Wasaarada Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa faah-faahin ka bixiyay dhaawac ka soo gaadhay Xabbad uu ku furay Askari Kabtan ah oo ka tirsan Ciidanka Qaranka.

Agaasime Xergeeye oo sida uu sheegay ay rasaastu kaga dhacday labada bowdyo oo uu xusay in dhaawac fudud ama jiidhayn ay xabbaddu u geysatay, ayaa sheegay in Askari ay isugu yimaaddeen dhul Wasaaradda caafimaadku ku leedahay oo Dad kale dhisanayeen.
“Dalka waa loo soo dhaawacmay oo loo dhintay, waan ku faraxsanahay inaan ku dhaawacmay anigoo qarankeyga u shaqeynaya.” sidaa ayuu yidhi Agaasimaha oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa dhaawiciisa kooban ka dib.

Comments are closed