|

Wararkii ugu danbeeyay ee qaraxa magaalada Kismaayo

Muqdisho. 23 October, 2022. (QJ)- Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar mudo ku dhow saacad ka socda gudaha hoteelka Tawakal ee magaalada Kismaayo ee koonfurta dalka Soomaaliya, iyadoo uu jiro khasaare xooggan oo ka dhashay weerarkan.

Sida macluumaadka la helayo ay muujinayaan, Qaraxyo Ismiidaamin ahaa ayaa lagu duftay albaabka hoteelka, waxaana intaasi kadib gudaha u galay hoteelka dagaalamayaal alShabaab ah oo si aad ah u hubeysan.

Wararka ayaa sheegaya in Hoteelka la weeraray uu ka socday shir looga tashanayey guluf ka dhan ah aShabaab iyo siminaar dowladeed, lamana oga xaaladda mas’uuliyiinta iyo saraakiisha ku jirtay gudaha hoteelka.

Si kastaba ha ahaatee, Hoteelka Tawakal waa hoteel qadiimi ah oo ku yaal jidka dekedda Kismaayo taga, si gaar ah bariga magaalada oo uu kaga yaalo meel cidhiidhi ah.

Comments are closed