|

Ciidamadda Booliska Somaliland oo Heegan Buuxa la Geliyey Iyo Hawl galo ay qaadeen 24-kii Saacadood ee u Danbeeyay DAAWO

Hargaysa 31. Janaury 2019 (SDN/QJ):-Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa saddexdii habeen ee la soo dhaafay xaafadaha Magaalada Hargeysa ka fuliyey hawl-gal xoogle oo ay ku ugaadhsanayeen dhallinyarro dadka ka booba Telefoonnada gacanta, kuwaasi isla markaana dadweynaha dhibaato ku haya.

Taliye Ku-xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) ayaa sheegay in hawlgalkaasi uu la xidhiidho ilaalinta ammaanka caasimadda Hargeysa, waxaanu tilmaamay in ciidanka Boolisku ay raacdaynayaan firxadkii u dambeeyey ee kooxo dhallinyaro ah oo dadweynaha habeenkii ka qaada Telefoonnada.
Taliye Ku-xigeenka Boolisku wuxuu tilmaamay in dadweynuhu ay ka raysteen dhibaatadii ay tuugtu ku hayeen, waxaanu xusay in hawlgalkaasi noqon doono mid joogto ah.

Waxa kaloo la sheegay inĀ  kooxihii tuugta ahaa ay ka baxsadeen jidadkii iyo meelihii ay bulshada kaga xoogi jireen Telefoonnada gacanta.

Comments are closed