|

Dhacdo la yaab leh: Afar hawlwadeen oo Isku reer ah oo Kormeer Mixnadaysan ku Maraya Xafiisyada Wasaarada Maaliyada ee Berbera!!!!

Afar xubnood oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa dhawrkii Cisho ee u danbeeyay Kormeer ku jooga xafiisyada wasaaradda maaliyadda ee Magaaladda Berbera.

Xubnahan ayaa la sheegay in Wasiirka Maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed uu u xilsaaray inay soo baadhaan una kuurgalaan Sababta keentay inuu hoos u dhac ku yimaado dhaqaalihii ka soo xeroon jiray Kastamka Magaalo xeebeedka Berbera,iyadoo safarkooda lagu mudeeyay mudo toban maalmood ah,waxaana afartan xubnood midkiiba ku baxaya mudada ay hawshan ku jiraan Toban Milyan oo Somaliland Shilling ah taas oo ka dhigaysa in maalintiiba mid kasta oo ka mid ah afartan xubnood la siiyo hal milyan oo Somaliland Shilling ah,isla markaana uu soo ansixiyey Wasiirka Maaliyaddu.

Hasa yeeshee dhacdooyinka xiisaha leh ee Ku lamaan Kormeerka hawl wadeenadan ayaa waxaa ka mid ah in hor joogaha kooxdani uu ahaa Maamule ku xigeenkii hore ee Kastamka Magaaladda Berbera Cabdi Caydiid ee Maamulaha hada joogaa xilka kala wareegay isaga iyo Maamulihiisii hore waxaana la isweydiinayaa Maxsuulka uu soo saari karo mas’uul baadhaya Kii uu Xilka ku wareejiyey.

Sida ay sheegeen dad u dhuun daloola arrimaha dhaqaaluhu waxa uu hoos u dhac xoogani ku yimid dekhligii sida maalinlaha ah uga soo xeroon jiray Kastamka ugu weyn ee wasaaradda maaliyadda Somaliland ku leedahay Magaaladda Berbera mudadii todobada bilood ahayd ee uu xilkeeda hayay maamulaha hada ee Kastamkaasi C.raxmaan Cirro,hasa yeeshee talaabadan lagu baadhayo ayaa u muuqata mid nusqaan ku ah wasaaradda maaliyadda iyadoo dadka dhaqaalaha ka faaloodaa ay aaminsan yihiin in la baalmaray dariiqooyin badan oo baadhis loo samayn kari lahaa.

Arrinta kale ee layaabka leh ee Kormeerka afartan Mas’uul ee ka socda Wasaaradda Maaliyadda ka muuqata ayaa ah in Dhamaantoodba ay ka soo Jeedaan qabiil ahaan beesha Ciise Muuse una kala baxaan Sadex ka mid ah oo ka soo Jeeda raaska Maxamed Ciise iyo xubinta soo hadhay oo ka soo jeeda ardaaga Aadan Ciise Ee Beesha Ciise Muuse,Waxayna amuurtani dhaawac ku tahay milgaha dawladnimo maadaama loo fasiran karo in Kastamka Berbera aan loo ogolayn inay soo baadhaan mas’uuliyiin aan ka soo jeedin xubnahan isku wada beesha ah.

Isku soo wada duuboo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cali oo isaguna ku sugan magaaladda Berbera ayaa laga rabaa inuu bulshada ka qanciyo go’aankan uu ugu xushay in afar nin oo isku beel qudha ka soo jeedaa ay ku baadhaan maamulaha kastamka Berbera oo isaga laftigiisa ay dul hoganayso maamul xumo,loona baahan yahay Maamule adag oo shaqadan ka soo bixi kara.

W/Qoray Cabdi faacuul xirsi

W/Qoray Cabdi faacuul xirsi

Comments are closed