|

Faysal Cali Waraabe Oo Ka Digay Ciidan Ay Samaysanayaan Dalalka IGAD, Soomaaliya Na Ku Eedeeyey Inay Baayacayaan Badda Somaliland Kana Hadlay Aragtidiisa ku aadan dacwada Ganacsade Axmed Cismaan Geelle DAAWO

Hargaysa 07.April 2019 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya doonayso inay iibiso badda Somaliland, waxaanu tallaabadaasi ku eedeedeeyey dayacaad ka timid Arrimihii dibada ee Somaliland.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Inj Faysal Cali Waraabe oo shalay u warramayey HCTV, ayaa ugu horreyn ka digay ciidan badda ah oo ay samaysanayaan dalalka urur gobolleedka IGAD, waxaanu yidhi, “IGAD, bisha afarteedii waxay soo saartay go’aan ah Task Force ayaa loo sameynayaa Badda cas iyo Gacanka Cadmeed, waxaana shirkaasi ka qayb galay Soomaaliya oo aan jirin”.

Faysal Cali Waraabe, waxa kale oo uu Dawladda dalkaasi Soomaaliya uu ku eedeeyey inay fara galin ku hayso Badda Somaliland, “Wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya dhulkeenii ayuu inagu dul baayacayaa, waayo waa innaga (Somaliland) cidda degan badda cas iyo Gulf-ka ee ma iyagaa degan (Soomaaliya), taasina waxay ku tusaysaa in arrimihii dibada ee adduunka aynu cidlo ka joogno oo ay cidlo ka haleen maamulkaa aan jirin ee uu Farmaajo, laakiin waxani wax loo adkeysan karayo maaha in koox yar oo qabyaalad ku fadhiyaa inay Baddii Soomaaliya oo dhan iibiyaan oo China siiyaan oo ay xaraashaan shidaalkii badda, dabadeedna kooxdaasi yari ay ka baxaan oo dhulkoodii ku noqdaan, markaa waxaanu leenahay Reer Muqdisho maaha waxani wax loo adkeysan karo”.

Intaasi ka dibna, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Inj Faysal Cali Waraabe waxa uu farriin u diray dadweynaha dalkaasi Soomaaliya, “Waxaan leeyahay dadka reer Soomaaliya iska rida ciyaalkan aad soo urursateen (Xukuumadda Farmaajo), ee iyaga oo aan jirin laba sanadood suuqa idinku tooganaya”.

Dhinaca kalena, Faysal waxa uu ka hadlay xidhiidhka ka dhaxeyn kara Somaliland iyo Soomaaliya, “Annagu waxaanu jecelnahay sidii aanu hore ba u caawinay Janaraal Caydiid in aanu wixii gacan ah aanu diyaar u nahay”. Ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Inj Faysal Cali Waraabe.

Comments are closed