Somalidiasporanews.com http://www.qurbejoog.com Tue, 23 May 2017 15:55:44 +0000 en-US hourly 1 https://wordpress.org/?v=4.7.5 Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo Ka Hadlay Sababta Keentay in La Xidho Odayaal Iyo Waxgarad ka soo Jeeda Koonfurta Gobolka Sool DAAWO http://www.qurbejoog.com/wasiirka-arrimaha-gudaha-somaliland-oo-ka-hadlay-sababta-keentay-in-la-xidho-odayaal-iyo-waxgarad-ka-soo-jeeda-koonfurta-gobolka-sool-daawo/ http://www.qurbejoog.com/wasiirka-arrimaha-gudaha-somaliland-oo-ka-hadlay-sababta-keentay-in-la-xidho-odayaal-iyo-waxgarad-ka-soo-jeeda-koonfurta-gobolka-sool-daawo/#respond Tue, 23 May 2017 15:55:44 +0000 http://www.qurbejoog.com/?p=247856 Laascaanood 23. May 2017 (SDN/QJ):- Wefti uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ay Weheliyaan Wasiirka Gaashaandhiga Iyo Wasiirul dawlaha Madaxtooyadda ayaa Kulan la qaatay Guddida ergada ah ee Nabadaynta Beelihii Ku diriray Koonfurta Gobolka Sool.

]]>
http://www.qurbejoog.com/wasiirka-arrimaha-gudaha-somaliland-oo-ka-hadlay-sababta-keentay-in-la-xidho-odayaal-iyo-waxgarad-ka-soo-jeeda-koonfurta-gobolka-sool-daawo/feed/ 0
Qasriga Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Oo Hargaysa Laga Dhagax Dhigay,Kharashka Qasrigu Ku Kacayo, & Nooca Loo Dhisayo DAAWO http://www.qurbejoog.com/qasriga-suldaanka-guud-ee-beelaha-somaliland-oo-hargaysa-laga-dhagax-dhigaykharashka-qasrigu-ku-kacayo-nooca-loo-dhisayo-daawo/ http://www.qurbejoog.com/qasriga-suldaanka-guud-ee-beelaha-somaliland-oo-hargaysa-laga-dhagax-dhigaykharashka-qasrigu-ku-kacayo-nooca-loo-dhisayo-daawo/#respond Tue, 23 May 2017 14:55:20 +0000 http://www.qurbejoog.com/?p=247853 Hargaysa 23. May 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Magaaladda Hargaysa Gaar ahaan deegaanka Haleeya Laga Dhagax dhigay Qasri aan noociisa hore looga dhisin Somaliland oo Loogu Talo galay Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C.qaadir.

]]>
http://www.qurbejoog.com/qasriga-suldaanka-guud-ee-beelaha-somaliland-oo-hargaysa-laga-dhagax-dhigaykharashka-qasrigu-ku-kacayo-nooca-loo-dhisayo-daawo/feed/ 0
“Haddaynu KULMYE Nahay Waxaynu Ogolnahay Tartan Xalaal Ah, Xisbiyada Qaranka Ee Aynu Tartamayno Waxaynu Ka Ogolnahay Tartan Xalaal Waxa Innaga Reebban Cayda, Aflagaadada Iyo Xisbi Kale Wax Ka Sheega..’’ Gudoomiye Muuse Biixi DAAWO http://www.qurbejoog.com/haddaynu-kulmye-nahay-waxaynu-ogolnahay-tartan-xalaal-ah-xisbiyada-qaranka-ee-aynu-tartamayno-waxaynu-ka-ogolnahay-tartan-xalaal-waxa-innaga-reebban-cayda-aflagaadada-iyo-xisbi-kale-wax-ka/ http://www.qurbejoog.com/haddaynu-kulmye-nahay-waxaynu-ogolnahay-tartan-xalaal-ah-xisbiyada-qaranka-ee-aynu-tartamayno-waxaynu-ka-ogolnahay-tartan-xalaal-waxa-innaga-reebban-cayda-aflagaadada-iyo-xisbi-kale-wax-ka/#respond Tue, 23 May 2017 13:55:25 +0000 http://www.qurbejoog.com/?p=247851 Hargaysa 23. May 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murashaxa Jagadda Madaxweyne ee Xisbigaas Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Xadhiga ka Jaray Xafiiska Xisbiga Kulmiye ku Yeelanayo Bariga Magaaladda Hargaysa.

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu bulshada u sharraxay ahdaafta iyo mabaad’iida guud ee xisbiga KULMIYE leeyahay, kuwaas oo ay taageerayaashu ka midaysanyihiin, waxaannu yidhi, “Xisbiga KULMIYE waxa uu leeyahay tiirar iyo mabaad’i heshiis lagu wadayahay, dadkuna markay ay xisbiga gelayaan waxa ay ku heshiiyaan mabaad’ii, waxaana ka mid ah in lagu wada dhaqmo diinteena Islaamka, tiirka labaad ee KULMIYE ku heshiiska yahayna waa qaranimada Somaliland oo ah lama-taabtaan oo hadal iyo gorgortan ma gasho, in laga midho dhaliyo oo adduunka ictiraaf looga helaana waa hiigsigeena labaad ee aynu heshiiska ku nahay, ta afraad waa in dalka lagu maamulo sharci, caddaalad waxa la gaadhi karaa in wixii dadku ku heshiiyey ee sharci ah iyo in wixii diintu ina fartay in aynu ku dadaalno boqolkiiba 100% in aynu hirgelino. Waxa inoo yaal dhibaatooyinka ina haysta in aynu la dagaalno, dhibaatooyinka oo ah kuwo bulsho, qaar cimileed, maamul, dhaqaale.”

“Sida aynu waxaas u gaadhaynaana waa is aaminaad, isku kalsooni, wax wada qabasho iyo hawl, dadkuna haddii aanay hawlgelin oo aanay muruq iyo maskax hawlgelinin meel ma gaadhayaan, waana wax kale oo aynu ku shuraakoobayno haddii aynu xisbiga KULMIYE nahay,” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Waxa kaloo Guddoomiyuhu muujiyey inuu xisbiga KULMIYE yahay ruug-caddaa siyaasadda ku gaamuray oo waayo-aragnimo badan dheer axsaabta kale ee la tartamaysa, isla markaana uu diyaar u yahay inuu galo doorasho xalaal ah oo ay ka madhan tahay cay iyo aflagaado, “Haddaynu KULMYE nahay waxaynu ogolnahay tartan xalaal ah, xisbiyada qaranka ee aynu tartamayno waxaynu ka ogolnahay tartan xalaal ah oo heer qaran ah oo aynu ku doodayno dalka waxaas ayaanu u qabanaynaa iyo waxaas ayaanu u qabanaynaa, KULMIYE waxa innaga reebban cayda, aflagaadada iyo xisbi kale wax ka sheegga ama bulshada kaleba, waayo umaynaa furan xisbiga in aynu xisbiyada kale cayno, madaxda xisbiyada kale waynu ixtiraamaynaa oo rag wada muddo-kar ah oo xisbiyo qaran, waxaynu ku loollamaynaa tabtii iyo waddadii dalku ku horumari lahaa annagaa hayna iyo annagaa hayna, waanu ka waayo-aragsanahay oo 15-jir baanu nahay, mucaarid iyo muxaafidba waanu soo marnay, hawlo badan oo ka horreeyeyna waanu soo marnay, dhibaatooyinkii aynu soo marnay waanu ka baydhaynaa, laakiin ninka cusubi dhibaatooyinkii aannu soo marnay buu ku dhacayaa iminka ileyn waayo-arag maahee,” ayuu yidhi Murrashax Muuse Biixi.

 

]]>
http://www.qurbejoog.com/haddaynu-kulmye-nahay-waxaynu-ogolnahay-tartan-xalaal-ah-xisbiyada-qaranka-ee-aynu-tartamayno-waxaynu-ka-ogolnahay-tartan-xalaal-waxa-innaga-reebban-cayda-aflagaadada-iyo-xisbi-kale-wax-ka/feed/ 0
“Madaxweyne, Waxaan Markhaati Ka Ahay Hirgelintaada Haybadda Ciidamada Qalabka Sidaa Inay Kuu Tahay Astaan Kuugu Xardhan Baalka Taariikhdaada……” Xoghayaha Cadaaladda WADDANI http://www.qurbejoog.com/madaxweyne-waxaan-markhaati-ka-ahay-hirgelintaada-haybadda-ciidamada-qalabka-sidaa-inay-kuu-tahay-astaan-kuugu-xardhan-baalka-taariikhdaada-xoghayaha-cadaaladda-wa/ http://www.qurbejoog.com/madaxweyne-waxaan-markhaati-ka-ahay-hirgelintaada-haybadda-ciidamada-qalabka-sidaa-inay-kuu-tahay-astaan-kuugu-xardhan-baalka-taariikhdaada-xoghayaha-cadaaladda-wa/#respond Tue, 23 May 2017 12:55:24 +0000 http://www.qurbejoog.com/?p=247849 Hargaysa 23. May 2017 (SDN/QJ):- Xoghayaha Cadaaladda ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Gar-yaqaan Barkhad Jaamac Xirsi, ayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku amaanay tabaca uu geliyey Ciidammada kala duwan ee Qalabka sida.

Xoghayaha Cadaaladda ee Xisbiga WADDANI oo hore u ahaa La Taliyaha Arrimaha Bulshada ee Madaxweyne Siilaanyo, ayaa qoraal uu Xalay ku baahiyey Internet-ka ku sheegay inuu ka mid ahaa Ardaydii Siyaasadda ee Madaxweyne Siilaanyo, sidaa darteed uu ka markhaati kacayo waxqabadkiisa wanaagsan ee Taariikhda u gelaya.

Barkhad ayaa qoraalkiisa ku sheegay sidan “Mudane, Madaxweyne, si kasta oo aan u saluugsanahay hannaankaaga maamul, haddana waxaan markhaati ka ahay hirgalinta hub-qaadka iyo haybadda dawladnimo ee ciidamada qalabka sida, inay kuu tahay astaan kuugu xardhan baalka taariikhdaada daleed, dadkuna xus, xurmo iyo xasuus kugu hayn-doonaan.”

Xoghayaha Cadaaladda WADDANI waxa kale oo uu Qoraalkaaga ku sheegay, “Madaxweyne, waxaan ka mid ahaa Ardeyda ku jirtay Kulliyaddaadii siyaasadda, waxaanan jecelahay waxay ku Qurux-badnaanayso Sooyaalkaaga taariikheed, waxaa jira hagardaamooyin Maamul oo badan oo ka dhacay dalka muddo xileedkaaga, waxaas’e hal-xidheele kugu ah qabashada doorasho xor iyo xalaal ah, iyadoo dib u dhacyadii ku yimid qabsoomidda doorashadu boogo xanuun badan ku noqdeen taarikhdaada..”Waxaan jecelahay inaad fogeyso oo fiiro gaar ah u.yeelato kuwa boodaanta ku rida Qofnimadaada iyo qiimaha aad Qaranka ku leedahay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Madaxweyne, Ardey kasta sharafta macalinkiisa wuu jecel yahay. Markaa Macno ayay ii samaynaysa inaan Qabashada Doorashada ku afmeerto Muddo xileedkaaga”.

]]>
http://www.qurbejoog.com/madaxweyne-waxaan-markhaati-ka-ahay-hirgelintaada-haybadda-ciidamada-qalabka-sidaa-inay-kuu-tahay-astaan-kuugu-xardhan-baalka-taariikhdaada-xoghayaha-cadaaladda-wa/feed/ 0
Ma Jiro Nidaam Hufan oo Lagu Ogaan Karo Lacagaha Qaadhaan Uruurinta ee Xaafaha Magaalooyinka Dalka laga Gurayo ‘’Albaab Ilaa Albaab’’ (WARBIXIN) http://www.qurbejoog.com/ma-jiro-nidaam-hufan-oo-lagu-ogaan-karo-lacagaha-qaadhaan-uruurinta-ee-xaafaha-magaalooyinka-dalka-laga-gurayo-albaab-ilaa-albaab-warbixin/ http://www.qurbejoog.com/ma-jiro-nidaam-hufan-oo-lagu-ogaan-karo-lacagaha-qaadhaan-uruurinta-ee-xaafaha-magaalooyinka-dalka-laga-gurayo-albaab-ilaa-albaab-warbixin/#respond Tue, 23 May 2017 12:25:52 +0000 http://www.qurbejoog.com/?p=247847 Hargaysa 23. May 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Magaalooyinka Dalka ka socda Qaadhaan Uruurin ay Bulshada qaybaheeda kala duwan ka qayb qaadanayso taas oo loogu talo galay inay qayb ka noqoto Dhaqaalaha loo qorsheeyay in Lagaga Soo kabto laguna Xooleeyo Xoola dhaqatada Somaliland ee Ku Caydhoobay Abaartii adkayd ee dalka soo martay.

Inkasta oo Isku daygani yahay Mid dhiirigelin u baahan hadana waxaa Muuqata gal daloolooyin badan oo wehel la ah Isla markaana hadii aan la sixin dhaawici kara habka dhaqaale uruurinta,Waxyaabaha arrintaas u daliilka ah waxaa ka mid ah in Dhallinyaradda Lagu qoro inay Lacagaha ka soo Uruuriyaan degmo ka mid ah Caasimada hargaysa  Kooxdiiba laga dhigay 5 Xubnood oo leh Gudoomiye iyo Khasnaji Waxay Guri kasta oo ay lacag ka qaadaan ay Qoraal ku samaynayaan qadarka lacageed ee uu bixiyey hadii uu Adeegyada Zaad amase E-Dahab Ku diro waxay lacagtaasi toos ugu dhacaysaa Accoun-nada Guddida qaadhaan uruurinta laakiin hadii Kash amase Lacag cad loo Dhiibo waxa qaadaya Shantaas Xubnood inkasta oo dhallinyarada guraysaa ay u badan Yihiin dhallinyaro fahamsan Culayska amaanada hadana way dhici kartaa Kuwo Si Khaldan uga faa’iidaysta,maadaama aanu jirin Nidaam Sax ah oo lagula Xisaabtami karo hadii dhaqaale la soo qaaday aan la soo xarayn isla markaana ay Koox kastaa iyadu soo buuxsanayso Foomka loo dhiibay.

Si kastaba ha ahaatee Waxaa ku Waajib ah Guddida Qaadhaan Uruurinta inay Sameeyaan nidaam isla xisaabtan leh oo ay raacaan kooxaha dhallinyarada ee hawshan loo xilsaaray,Sidoo Kale Goobo aanu kula Kulanay dhallinyarada Qaadhaan uruurinta waday oo u badnaa Hablo ayaa sheegay in aanay la socon Wax Ciidan ah oo Ilaaliya Isla markaana ay dhici karto in Ciyaalada rabshadaha sameeya ay ka qaadaan Tabarucaadka ay soo Uruuriyeen ee amaanada ah,Iyagoo intaas ku daray inay arintan la socodsiiyeen Dallada dhallinyarada Sonyo ee hawshan isu xilsaartay ilaa iminkana aanay ka hayn wax jawaab ah.

]]>
http://www.qurbejoog.com/ma-jiro-nidaam-hufan-oo-lagu-ogaan-karo-lacagaha-qaadhaan-uruurinta-ee-xaafaha-magaalooyinka-dalka-laga-gurayo-albaab-ilaa-albaab-warbixin/feed/ 0
Wasiirka Caafimaadka Somaliland Xaglo Toosiye oo Fariin u Diray Prof Cali Khaliif Lana Hadlay Damiirka Shacabka Buuhoodle DAAWO http://www.qurbejoog.com/wasiirka-caafimaadka-somaliland-xaglo-toosiye-oo-fariin-u-diray-prof-cali-khaliif-lana-hadlay-damiirka-shacabka-buuhoodle-daawo/ http://www.qurbejoog.com/wasiirka-caafimaadka-somaliland-xaglo-toosiye-oo-fariin-u-diray-prof-cali-khaliif-lana-hadlay-damiirka-shacabka-buuhoodle-daawo/#respond Tue, 23 May 2017 11:55:56 +0000 http://www.qurbejoog.com/?p=247845 Hargaysa 23. May 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleeban Ciise Axmed Xaglo Toosiye ayaa Shacabka Gobolka Buuhoodle Wuxuu ugu baaqay inay Kasbadaan imaatinka Hay’adaha Caalamiga ah isla markaana Sugaan amnigood.

]]>
http://www.qurbejoog.com/wasiirka-caafimaadka-somaliland-xaglo-toosiye-oo-fariin-u-diray-prof-cali-khaliif-lana-hadlay-damiirka-shacabka-buuhoodle-daawo/feed/ 0
‘’Waar Shacabka Somaliland Haday Ku Taageeraan Aniga Iyo Siilaanyo Waan Heshiin Karnaa’’ Maxay Ka Wada Hadleen Prof Cali Khaliif & Madaxweyne Siilaanyo DAAWO/DHAGAYSO http://www.qurbejoog.com/waar-shacabka-somaliland-haday-ku-taageeraan-aniga-iyo-siilaanyo-waan-heshiin-karnaa-maxay-ka-wada-hadleen-prof-cali-khaliif-madaxweyne-siilaanyo-daawodhagayso/ http://www.qurbejoog.com/waar-shacabka-somaliland-haday-ku-taageeraan-aniga-iyo-siilaanyo-waan-heshiin-karnaa-maxay-ka-wada-hadleen-prof-cali-khaliif-madaxweyne-siilaanyo-daawodhagayso/#respond Tue, 23 May 2017 11:25:53 +0000 http://www.qurbejoog.com/?p=247880 Hargaysa 23. May 2017 (SDN/QJ):- Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh ayaa Kulan Gaar ah Wuxuu Qasriga Madaxtooyadda ee Hargays kula Qaatay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo.

Prof Galaydh ayaa si af gobaadsi ah u sheegay inuu Hargaysa u Yimid kadib Markii uu ka duuli kari waayay Magaaladda Buuhoodle Isla markaana uu Jeclaystay inuu ka dhoofo Madaarka Hargaysa oo Heer Caalami ah Sida uu Sheegay.

 

Hasa yeeshee Sida ay Qurbejoog u Xaqiijiyeen Ilo Ku dhow dhow Prof Cali Khaliif Galaydh ayaa Sheegaya in Ujeedada Socdaalkiisu uu la Xidhiidhay Sidii uu Madaxweyne Siilaanyo ugala hadli lahaa Odayaal ka soo Jeeda beesha uu ka dhashay ee Baharar-same oo Xukuumadda Somaliland ay u Xidhay Dagaal beeleed u dhexeeya Beeshiisa iyo Beesha Qayaad ee Dhul bahante ee wada dega Koonfurta Gobolka Sool.

Ilaa hada ma Cada in Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ay Saaxiibo dhow ahaayeen Prof Galaydh inuu ka yeelay Dalabka uu ula tegay iyo inuu ku adkaystay in Odayaashaasi ay Xabsiga ku sii jiraan Maadaama la rabo in nabad waarta laga dhex dhaliyo Labada Beelood oo laga soo wada xidhay tiro odayaal ah.

 

Dhinaca Kale Waxa uu Warku Sheegayaa In Prof Cali Khaliif Galaydh Shalay Galab ka duulay Madaarka Cigaal Isagoo Raacay Diyaarada Itoobiya Isla markaana uu ku sugan Yahay Magaaladda Addis Ababa.

]]>
http://www.qurbejoog.com/waar-shacabka-somaliland-haday-ku-taageeraan-aniga-iyo-siilaanyo-waan-heshiin-karnaa-maxay-ka-wada-hadleen-prof-cali-khaliif-madaxweyne-siilaanyo-daawodhagayso/feed/ 0
Hal Qof Oo Laascaanood Ku Dhaawacmay Iyo Booliiska Oo Xidh-Xidhay Odayaal Lagu Eedeeyay Inay Ka Soo Horjeedaan Qorshe Xukuumaddu Ku Heshiisiinayso Beelo Walaalo Ah http://www.qurbejoog.com/hal-qof-oo-laascaanood-ku-dhaawacmay-iyo-booliiska-oo-xidh-xidhay-odayaal-lagu-eedeeyay-inay-ka-soo-horjeedaan-qorshe-xukuumaddu-ku-heshiisiinayso-beelo-walaalo-ah/ http://www.qurbejoog.com/hal-qof-oo-laascaanood-ku-dhaawacmay-iyo-booliiska-oo-xidh-xidhay-odayaal-lagu-eedeeyay-inay-ka-soo-horjeedaan-qorshe-xukuumaddu-ku-heshiisiinayso-beelo-walaalo-ah/#respond Tue, 23 May 2017 10:55:50 +0000 http://www.qurbejoog.com/?p=247841 Laascaanood 23. May 2017 (SDN/QJ):- Ciidammada Booliiska ee ka hawl-gala Magaalada Laascaanood oo kaashanaya Kuwa Milletariga ayaa la sheegay inay Xidh-xidheen Odayaal ka soo jeeda laba Beelood oo Dhowr jeer oo hore Dagaalo ku dhex mareen Deegaanka Dharkeyn-geeye ee Koonfurta Gobolka Sool.

Ciidammada Booliiska ayaa la sheegay inay Odayaashan oo tiradoodu badan tahay xidheen, ka dib markii ay ka war-heleen in qaarkood ku hawlan yihiin inay mar kale Colaad ka huriyaan deegaanka ay hore iskugu dirireen Beelaha Walaalaha ah ee Qayaad iyo Bahararsame (Dhulbahante).

Odayaashan oo qaarkood la sheegay in loo dhaadhiciyey Xabsiga Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer, ayaan illaa hadda waxa aan ka hadal Ciidammada Ammaanka iyo Maamulka Gobolka Sool, laakiin Dad ku sugan Laascaanood ayaa sheegay in Dad diiddan Xadhigga Odayaashu ay Ciidammada Booliiska Rasaaseeyeen, laakiin lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay Arrintaasi.

Dhanka kale, Rabshado Khamiistii ka dhacay Magaalada Laascaanood, ayaa waxa ku dhaawacmay Hal Qof, ka dib markii Ciidammada Booliisku isku dayeen inay rasaas ku kala dareeriyaan Dad Mudaharaad lid ku ah Xuska 18-ka May ka dhigayey Magaalada Laascaanood.

Ugu dambayn, Odayaasha Laascaanood lagu xidh-xidhay ayaa la sheegay inay ka soo horjeedaan Qorshaha Xukuumadda Somaliland ku doonayso inay Xal kaga gaadho Colaadda Labada Beelood ee Qayaad iyo Bahararsame (Dhulbahante), halka Wararka kalena sheegeen in Odayaasha la xidhay qaarkood looga baqay in Aano ahaan loo dilo.

]]>
http://www.qurbejoog.com/hal-qof-oo-laascaanood-ku-dhaawacmay-iyo-booliiska-oo-xidh-xidhay-odayaal-lagu-eedeeyay-inay-ka-soo-horjeedaan-qorshe-xukuumaddu-ku-heshiisiinayso-beelo-walaalo-ah/feed/ 0
Taxanihii Qisaska Nolosha Iyo Tusmadii Xusuus Qor Dhakhtar-Ilkood ‘Murugada Waxaa Maydha Samo-Falka”’ Kala Soco Qurbejoog DAAWO http://www.qurbejoog.com/taxanihii-qisaska-nolosha-iyo-tusmadii-xusuus-qor-dhakhtar-ilkood-murugada-waxaa-maydha-samo-falka-kala-soco-qurbejoog-daawo-2/ http://www.qurbejoog.com/taxanihii-qisaska-nolosha-iyo-tusmadii-xusuus-qor-dhakhtar-ilkood-murugada-waxaa-maydha-samo-falka-kala-soco-qurbejoog-daawo-2/#respond Tue, 23 May 2017 10:25:52 +0000 http://www.qurbejoog.com/?p=247839 Hargaysa 23. May 2017 (SDN/QJ):- Waa Qormadii Taxanaha ahayd ee Xusuus Dhakhtar Ilkood oo ay inoo Soo diyaariso Drs Hibaaq C.raxmaan Buubaal oo ah Dhakhtarad Aqoon durugsan u leh Xanuunada Ilkaha kana Shaqaysa Magaalada Hargaysa.

 

Waxay Taxanahan inoogu soo bandhigaysaa Khibrad ay ka heshay Mudadii ay ka shaqaynaysay Mihnada dhakhtarnimo,Waxaana si Joogto ah Taxanahan idiinku soo Gudbinaysa Shabakada Qurbejoog.com.

]]>
http://www.qurbejoog.com/taxanihii-qisaska-nolosha-iyo-tusmadii-xusuus-qor-dhakhtar-ilkood-murugada-waxaa-maydha-samo-falka-kala-soco-qurbejoog-daawo-2/feed/ 0
Haweenay Magaaladda Burco ugu Geeriyootay Kadib Markii Roob Shalay Galab ka da’ay uu Gidaar Ku soo Dumiyey iyo Qof Kale oo Dhaawac ah DAAWO http://www.qurbejoog.com/haweenay-magaaladda-burco-ugu-geeriyootay-kadib-markii-roob-shalay-galab-ka-daay-uu-gidaar-ku-soo-dumiyey-iyo-qof-kale-oo-dhaawac-ah-daawo/ http://www.qurbejoog.com/haweenay-magaaladda-burco-ugu-geeriyootay-kadib-markii-roob-shalay-galab-ka-daay-uu-gidaar-ku-soo-dumiyey-iyo-qof-kale-oo-dhaawac-ah-daawo/#respond Tue, 23 May 2017 09:59:52 +0000 http://www.qurbejoog.com/?p=247876 Burco 23. May 2017 (SDN/QJ):-Allah ha u naxariistee  hooyo Aamina Cali Nuur ayaa ku geeriyootay roob xoog lahaa oo muddo kooban ka da’ayey magaalada burco Gaar ahaan Gelinkii Danbe.

Marxuumada ayaa Geeriyootay Kadib Markuu roobku ku soo Dumiyey dhismayaal uu ka mid yahay gidaarka Garoonka kubada cagta ee Alamsay Stadium ee Magaalada Burco, gidaarkaas oo ku dul dumay labo ruux oo mid ka mid ahi tahay hooyada geeriyootay, qofka labaadna uu dhaawac culus yahay.

Guud ahaan Jamhuuriyada somaliland waxaa ka da’aya roobabkii gu’ga ee sanadkan ka dib muddo 4 sanadood ah oo ay Somaliland inteeda badani abaaro ku soo jirtay.

]]>
http://www.qurbejoog.com/haweenay-magaaladda-burco-ugu-geeriyootay-kadib-markii-roob-shalay-galab-ka-daay-uu-gidaar-ku-soo-dumiyey-iyo-qof-kale-oo-dhaawac-ah-daawo/feed/ 0