|

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Wasiirradiisa Ka Joojiyey Gelista Kharashaadka Culus Ee Dawladda Iyo Tuhunno Ku Xeeran Halka Uu Ku Baxo Dhaqaaluhu

Hargaysa 31. Janaury 2019 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xakameyn ku sameeyey kharashaadka dawladdiisa, waxaana sannadkii hore uu golahiisa wasiirrada u gudbiyey waraaq sheegaysa in wixii kharashaad ah ee ka badan $5000(Shan oo Dollar) aanay  saxeexi karin Wasiirradiisu isla mar ahaantaana saxeexa kharashaadka caadiga ah ee ka badan $5000 saxeexeeda loo la imanaayo Madaxweynaha.

Mid ka mid ah Wasiirrada Xukuumadda Madaxweyne Biixi oo la hadlay Wargeyska Waaberi sida oo kale na codsadey in magaciisa la qariyo, ayaa sheegay in Madaxweynahu amray in la yareeyo kharashaadka dawladda isla mar ahaantaana aanay awood u lahayn saxeexa wixii kharashaad ah ee ka badan $5000(Shan Kun oo Dollar).

Xukuumadda Madaxweyne Biixi, ayaa guud ahaan laga dareemay dhimis ay ku samaysay kharashaadyo tiro badan oo ay geli jirtay Xukuumaddii hore, halka sida oo kale na ay meesha ka saartay mashaariico tiro badnaa oo lagu naas-nuujin jiray dadyoow gaar ah.

Hadda ba tallaabadan uu Madaxweynahu ku xakameeyey kharashaadkii dawladda oo noqonaya Malaayiin Lacago ah ayey dad badan aad u soo dhaweeyeen balse waxa ay shaki ka muujinayaan halka uu maro dhaqaalaha tirada badan ee uu gacantiisa ku xakameeyey Madaxweynahu, waxaana dad uu la xidhiidhay Wargeysku ay ku doodayaan in Xukuumadda Madaxweyne Biixi aanay waxba ka qabanin dhibbaatooyinka sicir-bararka, shaqo la’aanta, tahriibta iyo weli ba sida oo kale hoos u dhac ay sheegeen in ay ka dareemayaan kaabeyaasha dhaqaale ee dalka.

Dhinaca kale Aqooynahan Yaasiin Calase oo ah khabiir ku xeel dheer arrimaha dhaqaalaha ee dalka, ayaa ku doodaya in kharashaadka ay hoos u dhigtay dawladdu uu saameyn ku yeeshay guud ahaan dhaqaalahii dalka, waxaana uu sheegay in dhimista kharashaadka dawladdu ay sababayso laba arrimood oo ay ugu muhimsan yihiin hoos u dhac ku yimi wax iibsigii ama ganacsigii dalka iyo hoos u dhac kale oo isagu na ku yimi dakhligii cashuuraha ee u soo xaroon jiray dawladda.

“Walaal waxa weeye kharashaadkan ay dawladdu yareynayso iyo dhaqaalahan ay xakameynaysaa waxa uu saameyn ku yeelanayaa dhaqaalaha guud ee dalka, markaa imika kharashaadka ay yareynaysaa waxa uu saameyn ku yeelanayaa safarrada dambe ee ganacsi, taasi na waxa ay dawladda lafteeda ku keenaysaa in ay yaraato cashuurtii ay ganacsiga ka helaysay oo alaabta suuqa taala haddii la iibsan waayo dee wax kale oo ninka ganacsadaha ahi uu keenayaa ma jirto, taasi na waxa ay yareynaysaa dakhligii dawladda, dakhligu marka uu yaraadana sanadkii dambe ama bishii dambe ma awoodeyso in ay dawladdu iska bixiso wixii ay geli lahayd, markaa dhaqaalahan la joojinayaa wuxuu keenayaa laba wax oo kala ah in dakhligii dawladdu yaraado iyo in dhaqaalahii iyo wax kala iibsigii suuqu uu joogsado, waana dhibbaato weyn runtii oo saameyn ku leh guud ahaan dhaqaalaha dalka.”.Ayuu yidhi Aqoonyahan Yaasiin Calase

Aqoonyahan Yaasiin Calase, waxa kale oo uu intaa raaciyey in dawladdu kor u qaado kharashaadkeeda si baa uu yidhi uu dhaqaalaha dalku u galo fir-fircooni iyo in uu kor u kaco heerka wax kala iibsiga ee dalka.

Madaxweyne Biixi oo bilihii la soo dhaafay si kaftan ah u sheegay in uu quful weyn sii saaray dhaqaalaha dalka isaga oo u jeeda Sacad Cali Shire oo uu wasiirkiisa maaliyadda ka dhigay ayaan haddana la arag wax mashaariic ah oo ay xukuumaddu ku qabato dhaqaalaha la xaddiday ee la rumaysan yahay in xukuumadihii hore si weyn u isticmaali jireen waxaanay su’aasha la is waydiinaya tahay halka ay qabato lacagaha madaxweynuhu xakameeyay oo aan la arag iyaga oo mashaariic loo bedelay si ay nolosha bulshada wax uga bedesho.

Comments are closed