|

Raashin Puntland Ugu Deeqday Dad Reer Somaliland Ah Oo Lagu Xanibay Gobolka Sool

Laascaanood 18. September 2017 (SDN/QJ):- Maamulka Gobolka Sool, ayaa lagu eedeeyay inay Magaalada Laascaanood ku xanibeen Raashin Mucaawimo ah oo Maamul-gobolleedka Puntland u soo direen Dad ku caydhoobay Abaartii Dalka ka dhacday dhawaan, kuwaasi oo ku nool deegaannada hoos taga degmada Ceegaag ee Gobolka Buuhoodle ee Somaliland.

Guddoomiyaha Degmada Ceegaag Axmed Ciise Cawil oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Ceegaag, ayaa sheegay inay Raashinkaa u baahan yihiin, sidaa darteedna loo baahan yahay in Maamulka Gobolka Sool soo fasaxo, si loogu qaybiyo Dadka u baahan, waxaanu yidhi “Waxaan doonayaa inaan caddeeyo in Raashinkaa Sool lagu haysto Annagu leenahay oo loo wado Dad jilicsan oo ku nool Sool-joogto, Horu-fadhi iyo meelo kale, Dadkii lahaana uu u baahan yahay. Raashinkaa waxa noogu deeqday Puntland, markaa Ninka Laascaanood ma ogin inuu u baahan iyo in kale, laakiin Raashinkaa waxa loogu Talo-galay Dadka ku nool inta u dhaxaysa Laascaanood iyo Illaa Buuhoodle, intaasi oo ah inta aanu masuulka ka nahay.”

Guddoomiyaha Ceegaag waxa kale oo uu sheegay “Raashinka annaga waxa noogu deeqday Puntland, markaa haddii Puntland na siiso, hadday Somaliland na siiyo iyo hadday Dawladda Federaalku na siiyo lama qabsan karo, Waayo? waa wax Cad oo Dad baahan loogu keenay” Ayuu yidhi

Comments are closed