|

Telefishan Ku Yaala Denmark oo Warbixin ka Diyaariyey Hablihii Laga qabtay Madarasad Hargaysa Ku Taala Iyo Mid Ka Mid ah Hablahaasi oo Sheegtay In Dhaawacyo la Soo Gaadhsiiyey

Denmark 31. May 2017 (SDN/QJ):- Mid ka mid ah hablihii reer Somaliland ee dhawaan laga soo qabtay madarasad ku taala magaalada Hargeysa ee dib loogu celiyay dalka Yurub iyo Maraykanka, ayaa markii u horaysay warbaahinta la hadashay.

Gabadhan oo magaceeda la yidhaahdo Yaasiin Cismaan, degena dalka Denmark ahna 18 jir waxa warbixinteeda toddobaadkan laga sii daayay telefishanka Tv2 la yidhaahdo ee dalka Denmark oo ah telefishabka labaad ee dalkaas ugu weyn, waxaanay sheegtay inay 14 maalmood oo madarasda laga soo qabtay lagu hayay ay katiinadi ku xidhnayd.

Yaasmiin oo muuqaalo iska duubtay laga sii daayay Telefishankani waxay sheegtay inay ka baxsatay iskuulkaas, ka dibna ay la xidhiidhay safaaradda Denmark, iyadoo markaas wixii ka dambeeyayna dawladda Somaliland lagu qancinayay inay fuliyaan hawlgalkii hablaha madarasada lagagala soo baxay. “Xadhig ayaa layla dhacay, iskoobaha dhulka lagu xaadho ayaa layla dhacay, nabaro badan ayaana igu yaala. 15 Nabar ayaa igaga yaala jidhka oo ah wixii layla dhacayay.” ayay tidhi Yasmiin oo uu telefishanku sheegtay inay ku kortay magaalada Vejle ee Denmark balse hadda joogta Maraykanka, waxaanu telefishanku soo bandhigay muuqaalo muujinaya nabaro ku yaalay jidhkeeda oo ay sheegtay inay yihiin waxyaabihii lala dhacay intii ay madarasda ku jirtay.

 

Yaasmiin Cismaan, waxay sheegtay inay lix bilood ku jirtay madarasadaas, iyadoo xustay inay ka baxsatay markii ay 14 maalmood katiinadi ku xidhnayd.

Telefishanku wuxuu xusay in qaar ka mid ah waalidiinta hablaha haystay dhalashada Denmark ee ay Yaasmiin ka mid tahay ay cabasho ka sii daayeen TV maxali ah oo Somaliland laga leeyahay, iyagoo sheegay in Boolisku carruurtoodii ka saareen dalka.

 

Wasiirka cadaaladda Somaliland  Axmed Faarax Cadare oo isna uu Telefishankani soo xigtay ayaa yidhi “waxani  waa  wax  aad  u xun    waana  wax  bini  aadanimada  ka  bax san in  carruur  sidan  loo galo  amab loola  dhaqma.” ayuu yidhi Wasiirku.

 

Telefishanku wuxuu waraystay haweenay ka shaqaysa arrimaha bulshada oo tilmaantay suurtogalnimada in hay’adaha sharciga ee Denmark beegsadaan waalidiinta gabdhahan, waxaana gacanta ku haya ciidamada Booliska oo baadhaya.

Ugu dambayn wuxuu telefishanku sheegay in madarasadaas ay dawladda Somaliland xidhay.

Guji Halkan Si aad u Akhrido Warbixintan oo English Ku Qoran

Danish-Somali Girls Freed From The Koran School In Somaliland

Comments are closed