|

Turjumaad: Buuggii MARGARET LAURENCE, Abaartii Siigacase ee 1952 iyo Somaliland – shalay iyo maanta

(Qaybta 1aad)

WQ: M. Haaruun

12 January, 2017

Turjumaaddan iyo faalada hordhaca ah waxa sameeyay aniga oo ah Maxamed Haaruun. Wixii fikrad ama fal-celin ah iigu soo hagaji (mbiixi@gmail.com)

Mahadnaq: Sixidda ama dhamays tirka magacda dadka qoraalka buuggan ku yimid, oo qoraagu ay inta badan hal-hal magic uun ka soo qaadatay, waxa iga cawiyay oo aan si gooni ah ugu mahad celinaayaa dadka kala ah: Ganacsade Xaaji C/laahi Kaahin, oo isagu Margret Laurence laba kulmay xiligii ay dhulkan joogtay, Xaaji Maxamed Aadan Dhagaweel, Caaqil C/rashiid Maxamed Jaambiir iyo Nuuradiin Ibraahin Aw Cabdi (Diini).
Badhtamihii sanadkii dhawaan galbaday ee 2016, waxa aan akhriyay buugga – THE PROPHET’S CAMEL BELL: A Memoir of Somaliland – kaas oo ay lixdameeyo sanno ka hor qortay MARGARET LAURENCE, oo ahayd haweenay Canada u dhalatay. Gabadhani waxa ay gayiga Soomaalida qaybo ka mid ah, gaar ahaan Somaliland iyo deegaanka Hawdka ah ee Itoobiya dhexdiisa joogtay xili ay abaar xumi ku habsatay horaantii 1950 nadii. Abaartaas Soomaalidu waxa ay ula baxeen Siigacase, dad iyo duunyo badan ayaana ku haligmay. Gabadhani waxa ay la socotay, oo xili aad u adag na dhul badan oo miyi ah la martay, ninkeeda oo la odhan jiray Jack Laurence, oo ahaa Injineer maamulkii isticmaarka ee Ingiriisku u diray in uu baliyo ka qodo dhulka Hawdka ah. Buuggani waxa uu sawir qayaxan ka bixinayaa waayo iyo qaab-nololeed bulsho raacato ah oo Soomaaliyeed, oo inta badan na aad u qalafsan.

Si gaar ah waxa ii taabtay, aad na ii damqay, cutubka afraad ee buuggan oo si gaar ah uga waramaaya saamayntii abaartaasi. In kasta oo sheekada buugu ku aroorayso muddo haatan laga joogo 65 sanadood, waxa aad si dhab ah ugu malaynaysa in ay maantadan iyo 2017 ka uun ka waramayso. Waxa ku hor imanaaya awawgaa iyo ayaydaa oo neefaf yar ku daba haraaday, gaajo iyo oon na u dhintay. Waxa ku hor imanaaya iyaka oo aan xataa duugis ama aas fiican helin, oo beelaha hayaamaya ay jidka agtiisa meel u faadhfaadheen, kuna dhaafeen. Mar kale waxa ku hor imanaaya iyada oo kabbo biyo ah la isku dilaayo, ama lagu sigtay in la isku dilo. Waxa ku hor imanaaya xoolihii oo meel kastaba daadsan, xuurtu na ka dharagtay. Dhibtii taagnayd lixdameeyo iyo boqolaal sano ka hor in ay sideedii u taagantahay, waa dhaliil xun oo qofnaba, hadda waa qofnaba, aanu sinaba uga baxsanaynin. Isku soo wada duub, waxa aad dareemaysaa in sababta ay Soomaalidu dhexdeeda isugu faan-faanto, ama cid ugu faanto ay hogseeg iyo nacasnimo uun tahay.

Al-muhim, inta aynaan qoraalka u gelin, aan sawir kooban ka bixino gabadhan lafteeda. Margret Laurance oo ahayd haweenay Reer-Canada ah, waxa ay dhalatay 1926, geyiga Soomaalida na waxa ay timid iyada oo 25 sanno jirta. Margret waxa ay ahayd qoraa caan ah, waxa ayna ka tagtay sheekoyin gaagaaban iyo kuwo dhaadheerba (Short stories and Novels). Sheekooyinkeeda waxaa ugu caansanaa The Stone Angel, A Jest of God, The Diviners, and The Fire Dwellers, qarkood na filimaan ayaa loo bedelay. Margret waxa ay dhimatay sanaddii 1987, markaas oo ay iyadu nafta iska jartay.

In kasta oo ay Margret Laurence wax yar uun dhulka Soomaalida joogtay, (laba sannno iyo siyaado), hadana waxa ay baratay afka Soomaalida, laba buug ayayna ka qortay – The Prophet’s Camel Bell iyo The Tree of Poverty. Suugaanta iyo sheekooyinka Soomaalida ayaa ay si xooggan u jeclaysatay, kuwo badan oo ka mid ah na buugeeda dambe ayaa ay ku turjuntay. Si wayn waxa u caawiyay Xaaji Muuse Ismaaciil Galaal (Ilaahay ha u naxariisto), iyo saaxiibkii Dr Gush Andrzejewski. Fiiro gaar ah – marka koowaad, qaybaha buugga ka mid ah ee aan halkan ku turjumay ma ku koobna uun cutubka afraad ee aan tilmaamay. Waxa aan si gaar ah diiradda u saaray meelaha ay abaartaas caanka ahayd iyo saamaynteedii kaga waramayso, oo qaarkood ay cutubyo kale ku jiraan. Marka labaad, magacyada reeraha Soomaalida qaarkood ayaa qoraalka ku jira, waxa aanan u soo qaatay sidii ay buugga ugu yimaadeen uun. Marka saddexaad, buuga waxa ay daabacaadiisa ugu horaysay soo baxday horaantii lixdameeyadii, waa toban sano ku dhawaad ka dib markii gabadha buugga qortay ay waddanka soo booqatay. Buuggaas iyo kuwa kale ee waayaha Soomaalida ka waramaaya ba waa in la turjumo, waana hawl inoo wada taala. Qaybihii aan ka soo qaatay buuggan waa kuwan, waxa aanan ku bilaabay hordhaca sheekada buugga oo aan soo koobay, waxa iyaduna dhamaadka ku jirta cutubka buuggu uu ku dhamaanaayo oo aan isna soo koobay. Waa buug mudan in la wada turjumo, waana buug qofkii doonaaya isugu soo xidhaaya wixii tegay iyo waxa haatan jooga. Waxa loo baahanyahay qof dadaal badan oo hawshaas turjumaadda u istaaga, aniguna waxa aan ku balan qaadayaa in aan la shaqeeyo. Akhris wanagsan:

-The Prophet’s Camel Bell: A Memoir of Somaliland, By Margret Laurence
**** Safarkan jirabaadda ah ee aan u galnay dhul aanaan abid maqlin, fikrad na ka haysanin haba yaraatee, waxa sabab u ahaa xayaysiis shaqo oo lagu baahiyay wargays London ka soo baxaayay. Waxa la baafinaayay qof injineer ah, (Engineer), kaas oo masuul ka noqda qoditaanka sodomeeyo biyo-xidheen ama bali, kuwaas oo ku teedsanaan doona xuduudka hawdka ah ee maxmiyadda Somaliland iyo Itoobiya u dhaxaysay. Waxa loo baahnaa qof isagu sahamiya, soona asteeya dhulka shaqada ku haboon oo aan xog laga haynin, baliyada qodaalkooda fuliya, kharashka hawsha ku baxaaya iyo shaqaalaha na maamula. Shaqadaas Jack waa uu dalbaday, waana ku guulaystay. Wax yar ka dib ayaa aan u safarnay Somaliland, anaka oo u kicitinay dhanka Holland si aan dooni uga sii raacno. Sugitaan nagu dheeraaday ka dib, doonidii Tiger ee Norwagian ka ahayd ayaa noo qaaday dhanka Masar, ka dib na, Yaman ayaa aan uga sii gudubnay, waxa aanan ku dambaynay Berbera. Rasmi ahaan waxa aan u degnay magaalada Sheekh, halkaas oo nalaga siiyay aqal yar oo buur dusha ka saran; waxa aadba moodaysay in aan daruuraha u hooyanayno. Dabayl xooggan ayaa meesha ka dhacaysa, aqalka aan degenahay na ciid badan ayaa dusha laga saaray si aanay saqafka ula tegin. Waxoogay Ingiriis ah oo shaqaale dawladeed ah, iyo macalimiin ayaa magaalada degen, mar ayayna ahaan jirtay xarunta maamulka.

Jack waxa uu durba bilaabay safarkiisii uu Hawdka ku maraayay ee sahaminta ahaa. Laba shaqaale ah iyo baabuurkii Landrover ka ahaa ayaa uu kaxaystay, muddo ayayna maqnaayeen. Waakan soo noqday isaga oo cadceedii soo gubtay, habaas badani na ka muuqdo. Waxa aan waydiiyay in ay hawshii u soo qabsoontay iyo in kale, “Haa, xog fiican ayaa aan soo ururinay”, ayaa uu ii celiyay. Waxa uu ka sheekeeyay qisooyin amakaag leh oo uu la soo kulmay. Waxa uu sheegay in uu soo arkay Soomaali haraad u dhimanaysa. Taangi-biyood labaad ayaa uu baabuurka ku watay, intii uu gaadhsiin karaayay na waa uu siiyay biyihii. Waxa uu sheegay in uu tuubada taangiga u dhiibay dadkii haraadka u liitay, oo ay afkooda kaga cabeen. Caawimadaasi waxa uun baa ay ka dhignayd dhibic bad lagu tuuray kolka loo eego baahidii jirtay ayaa uu yidhi. Wixii Awaare ka sokeeya, dadku waxa ay u hayaamayeen dhinaca Hargeysa, halkaas oo ahayd meesha biyo ugu dhaw.

Qabaailka Soomaalidu abidkoodba reer-guuraa ayaa ay ahaayeen, hadba meel ayaa ayna u hayaamaan. Biyo ama daaq ayaa ay had iyo jeer u raadiyaan xoolahooda. Mar dhulka ceelasha leh ayaa ay u safraan si ay nafahooda iyo xoolahooda ba biyo ugu helaan, kolka ay soo bogtaan na, waxa ay u kacaan meeshii ay daaq ka helayaan. Labadaas shay, waa daaqa iyo biyaha, oo aan marnaba isku meel laga wada helin, marar badan na aad u kala fog ayaa ay marba mid safar dheer u galaan. Noloshoodu waxa ay ku dhex wareegtaa socodkaas aan dhamaadka lahayn, ee aan sinaba looga fursan Karin. Hadal aad u qalafsan, oo dhinaca carabta ka yimid ayaa yidhaahda – Ilaahay waxa uu dadka ugu hor abuuray Carabta, ka dib na bulshooyinka kale oo dhan, ka dib na Soomaalida, waana uu ku qoslay. Yurubiyan kii aan Berbera iyo Hargeysa ugu nimid waxa ay noo sheegeen Soomaalidu in ay yihiin dad qalafsan, oo aan cidina maamuli Karin, oo aad u adag. Haa, waa dad adag, waana ku khasbanyihiin in ay adkaadaan. Sabab ay ajnabi u aaminaan maba jirto agtooda.

(La soco qaybta labaad)

Leave a Reply