|

Waxa aan ka fikiraa halka u isbedelku ka bilaabmo, haddana waxa aan naftayda ku qanciya in aan anigu iska bilaabo Idiris Tooxyare

Waxa aan ka fikiraa halka u isbedelku ka bilaabmo, haddana waxa aan naftayda ku qanciya in aan anigu iska bilaabo. Sidee ayaan haddana isa sii waydiiya? In aan noloshayda isbedel u hor-seedo oo ka bilaabma ta hab-dhaqankayga nafsadeed, iyo bulsheed. Suaal ayaan haddana iska sii waydiiya sidee loo dhalin karaa mid bulsheed waxa isoo baxday in qofku bari ka ahaado dhibatooyinka jira oo maxay ah? Sidan soo socota;- Qabiil jacayl, Qof jacayl, Xisbi jacayl iyo Aragti ku salaysan ama ay Goyso Qabyaalad, Afku macaashnimo, Qalin u foorara cid gooni ah iyo Lacag lagugu laalusho xilliyada adag, oo ah dhibanaha aynu u taagi lanahay! Allow alle. Anigu bari ayaan ka ahay fidnooyinka hadda, iyo mustaqbalkaba. Haddana waxa aan isa sii waydiiya halkee ugu adag ee laga waajihi kara isbedel bulsheed. Adag marka aan ku leeyahay waa helida fursad aan ku abuuri karto isbedelka maankaga ka guuxaya oo aad u madax banaan tahay taasina waad garan karta helideedu inta ay qaadan karto, ama lagu heli karo. Haddaynu isku daydo waa galida siyaasadda oo wasakh badan haddana bulshayadu u ooman tahay hoggaamiye. Waxaa loo baahan yahay in loo badheedho khatarta siyaasadda si loo helo bulsho calool fayow, oo waddaniyad leh, diidi karta;- Musaqa, Eexda, Qabyaallada, Qoqobka, takoorka, iyo kala ilaalinta xoriyada dhallinyaro ka madax banaan aragti reereed, jufaysi, iyo kooxo danaysi ku midaysan……………..! Iyo wax yaabo badan oo kale. Afeef;- Tani waa fikirkayga shakhsiga ah, igamana aha cid ku xumeen, iyo ujeedo koox, xisbi, iyo dan gooni ah.

Comments are closed