|

“Xukuumaddu Baanka Faransiiska iyo Dawladda Jabuuti ayey wakiil ka noqotay oo waxaan taariikhda la arag oo aan la maqal ayaa dhacay” Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani DAAWO

Hargaysa 07.April 2019 (SDN/QJ):- Xisbiga Waddani ayaa ka hadlay muranka maaliyadeed ee u dhaxeeya Ganacsade Axmed Cismaan Geele iyo Baanka Faransiiska.

Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Xisbiga Waddani Md Cabdiqaadir X Ismaaciil Jirde ayaa ugu horreyn iftiimiyey shaqsiyada Ganacsade Axmed Cismaan Geele iyo kaalinta uu Somaliland kaga jiro, waxaanu yidhi “Xisbi ahaan waxa noo suurto gashay in aanu la kulano ganacsadaha oo xog buuxda ka soo qaadano, arrinta hadda taagani waxa weeyi Ninkani waa nin muwaadin Somaliland ah, mana aha nin dadkan iyo dalkan laga xigo, waana malgashadaha ugu weyn ee dalkan maalgaliyey, waana ninka keenay Coca-cola oo ah wershad labaatan milyan oo dollar ah oo halka ay maanta marayso la ogyahay oo dhawr boqol oo milyan lagu qiyaasayo”.

Xildhibaan Jirde waxa uu ku eedeeyey Xukuumadda Somaliland qaabka ay arrintaasi u wajahday, “Xukuumaddu Baanka Faransiiska iyo Dawladda Jabuuti ayey wakiil ka noqotay oo waxaan taariikhda la arag oo aan la maqal ayaa dhacay, Nimankii dhexdhexaadka noqon lahaa ee waliba muwaadinkan xaqiisa u dooni lahaa way xukumeen oo waliba Madaxweynaha ayaa xukumay, af-hayeenka Madaxtooyadu waxa uu ku hadlaa afka Madaxweynaha, wuu xukumay oo waxa uu yidhi waa tuug dambiile ah oo dal shisheeye soo dhacay oo halkan la soo galay, waxaanu ku eedeeyey inuu xasilooni daro dalka ka abuuray, iyo inuu ictiraafkii dib u dhigay oo uu wax u dhimay”. Xildhibaan Jirde waxaanu intaasi uu ku daray, “Madaxweynihii aynu dooranay inuu dal shisheeye waa Jabuuti ye aynu walaalo ama deris ahaane oo laba Qaran oo isku milma ma nihin oo waynu kala xadaysanahee, waxase dhacday in Madaxweynaha iyo Xukuumaddu wakiil u noqdeen dawladda Jabuuti, waana wax aad looga xumaado oo ummaddii kala qaybisay oo Qaranimadeenii shaki galisay, lagamana filayn inay xukuumaddu doorkaasi qaadato, waxayse aheyd inay door shariif ah qaadato oo dhexdhexaad, isku soo jiid ah, balse intiiba way ka gaabisay, maantana wax lagu aaminayo oo arrintaasi lagaga aaminayaa ma jirto, cid uga fadhida inay go’aan iyo tallaabo wanaagsan oo dhexdhexaad ah qaadataana ma jirto oo waa dhinac, nin dhinac ahina arrinta ma gali karo”.

Intaasi kadibna, Cabdiqaadir X Ismaaciil Jirde tilmaamay deynka u dhaxeeya Ganacsadaha iyo Baanka Faransiiska, “Waynu ognahay in aan Baan hawl yaraan lacag ku bixin, marka aad baan lacag ka qaadanayso waxa la dhigaa dammaanad rahan ah oo uu isagu soo qiimeeyo oo intii uu ku siinayey in ka badan ah, markaa hantidii ganacsadaha ee halkaa (Jabuuti) taalay inuu dhameystay iyo in kale waxay u taallaa Baanka iyo Ganacsadaha, balse Xukuumadda Somaliland meel ay ka soo gashaa ma jirto”.

Sidoo kale Guddoomiyuhu waxa uu xusay hantida ganacsade Axmed Cismaan Geele kaga maqan dalkaasi Jabuuti, “Waa Nin muwaadin ah oo reer Somaliland ah oo hantidiisu ay halkaasi taalo, markaa Madaxweynihii iyo Xukuumadiisu haddii ay wakiil ka noqdeen Jabuuti, dee taana Ganacsadaha Wakiil ha uga noqdo oo hantidiisa ha u dooneen oo dhexdhexaad haka galo oo haku yidhaa ninkan wax baa ka maqane ka daw baxa, mana aha  in la yidhaa ganacsadaha daw bax, waayo wuxuu sheeganayaa in boqol iyo labaatan iyo sideed milyan oo dollar ay kaga maqan yihiin Jabuuti, waxaanay aheyd inay Xukuumaddu ka hawlgasho arrintaasi”.

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Xisbiga Waddani waxa sheegay qaabka maxkamadaha Somaliland loo soo mariyey arrintaasi, “Qaabka maxkamadaheena loo soo mariyey ee ganacsaduhu kaga cawday, haddii dawladda Jabuuti go’aan maxkamadeed keentay waxay aheyd in ganacsadaha lala waddaago, balse lalama waddaagin ee hay’adihii oo dhan ayey soo martay oo waxay u timid maxkamadii racfaanka manuu ogeyn oo looma sheegin ee waxay aheyd in go’aan degdeg ah la gaadho oo la yidhaa arrintaadii waa la xayiray ee daw bax, markaa maanta arrintaa maxkamad Somaliland ah oo lagu aaminayaa ma jirto, go’aanka ay soo saartaana go’aan soconaya maaha, ninkanina wuu dhacan yahay dhac dushiina laguma garamo, dawladda Somaliland na waxaanu leenahay arrintaa waad ku ceebowday”.

Comments are closed