|

Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya oo Ka Warrantay Xaaladda Dad Ku Sumoobay Jaad Dhulka Oromada laga Keenay – Waraysi DAAWO

Jig-Jiga 16. September 2017 (SDN/QJ):-Xukuumadda Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa shaaca ka qaadday in ugu yaraan 23 Ruux oo cunay Jaad Sumaysan oo laga keenay Deegaanka Oromada Itoobiya ay xanuunsadeen, isla markaana Dhakhtarrada loo dhigay Xanuunka ay ka qaadeen Qaadka Sumaysan ee ay Cuneen .
Wasiirka Xafiiska Adeegga Bulshada iyo Horumarinta Shaqaalaha Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Axmed Maxamed Koore, ayaa xaqiijiyey in la sumeeyey Qaadka Haawadeeyga, kaas oo ka yimaadda Deegaanka Oromada. Wasiirku waxa uu intaa ku daray in Dadkii Jaadkaas cunay 24-kii saacadood ee u dambeeyey ay xanuunno u jiifaan Cusbitaallada magaalada Jigjiga oo lagu dawaynayo.

Haddaba, Waraysi arrimahaas la xidhiidha oo Wasiirka Adeegga Bulshada Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Axmed Maxamed Koore oo uu Taleefanka ku siiyey Horn Cable TV, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaal-dhegaysigan hoose ee ka bogasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed