|

Maxamed Cabdi Maareeye oo kusoo baxay doorashada maanta ka dhacday magaalada Muqdisho

Muqdisho 10, Diisembar, 2016-(SDN/QJ) :– Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Max’ed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ku guuleystay kursiga aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya kadib doorasho saaka ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Maxamed Cabdi Xayir MaareeyeMaareeye waxaa la tartamayay  Axmed Max’ed Cumar,waxaana ay natiijada noqotay in Maareeye wada helay dhamaan codadkii 51ka ahaa,halka uu Axmed ku guuldarreystay in uu helo xitaa hal cod.

Kursiga uu ku guuleystay Maareeye waxaaa uu ka mid yahay kuraasta Beelaha Waqooyi ee doorashadooda ka socoto muqdisho,waxaana horay ugu soo baxay Dadka kala ah Max’ed Cumar Carte Ra’isalwasaare ku xigeenka dalka,C/Raxmaan Ducaale Beyle,wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya  Xildhibaanad Caasho koos oo kursigeeda dofaacatay iyo xubno kale.

Comments are closed