|

Moosinka Xajka: Iibka Xoolaha ee Sayladdaha Somaliland iyo Muwaadiniin Cabasho ka Muujiyay Ganacsade Al-jaabiri DAAWO

Hargaysa 30.August 2016 (SDN/QJ):-Iyadoo suuqyada Xoolaha lagu iibsanayo ee Somaliland laga dareemayo iib ka xoolaha kala duwan ee loo dhoofinayo Xajka ayaa waxaa soo baxayso cabasho laga muujinayo Ganacsadaha carabka ee Adhiga ka iibsanaya Xoolo Dhaqatada Soomaalida.

XoolahaaQaar ka mida ah xoollo dhaqada iyo gaadiidka daabulla xoolaha ayaa sheegay in ay ka cabanayaan Ganacsadaha carabka ah ee Al-jaabiri, kaasi oo ay ku eedeeyeen inuu Xoolihii ku iibsanayo qiimaha uu doono islamarkaana gawaadhidii ku kireysanayo qiimo ka yar lacagtii uu awal ku kireysan jiray.

“Sababta adhiga lanooga iibsan laayahay Ganacsade kaliya ayaa loo xidhay suuqii xoollaha, adhigii yaryaraa waanalagu diiday oo sidii doono ayuu ka yeelayaa, Adhigii waxa la iskugu celinayaa $45”ayuu yidhi Mid ka mida xoollo dhaqato ka yimid Kilidhka 5aad ee Itoobiya oo u waramayay TVga SomaliCable.

Waxaa kale oo cabasho muujiyay Gaadiidleyda Xoollaha u daabushada Dekada Magaalada Berbera kuwaasi oo sheegay inay sanadkii hore neefka adhiga ah ku qaadi jireen $1 balse imika lagu qaadayo $0.75 taasina ay keentay in gaadiidkii ay iska dhigteen duleedka saylada xoollaha lagu iibiyo ee Hargeysa.

“Ganacsatada yaryar ee reer Somaliland Neefka $1 ayay bixinayaan, laakiin Aljaabiri wuu diiday oo 5000 SL ayaa ku qaadaysaan ayuu na yidhi gawaadhidii saaka waanu iska xareynay, Dawladu Carabka Al-jaabiri hana qabato”ayuu yidhi Dirawal ka mid ah gaadiidleyda Berbera u Daabulla Xoollaha.

Isha ugu muhiimsan ee dhaqaalaha Somaliland ama Soomaalida ayaa ah Xoollaha nool iyadoo marka ay sanad walba wakhtiga Xajka la Gaadho xoollo lagu qiyaaso 4milyan oo neef laga dhoofiyo dekada Magaalada Berbera.

Comments are closed