|

Qarax Is Miidaamin ah oo Maanta Ka Dhacay Kaantarool Ku Yaala Muqdisho,Khasaaraha uu Gaystay Iyo Taarikada Ku Xidhnayd oo Lagu Sheegay Somaliland

Waxaa qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ka dhacay Koontarool ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan Nabad Sugida oo kuyaala deegaanka Siinka Dheer ee duleedka magaalada Muqdisho.

sinka_1Sida aan Wararka ku heleyno gaari yar oo nuuca raaxada lagana soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa ku qarxay Koontaroolka Siinka Dheer ay ku sugnaayeen Ciidamada Nabad Sugida, waxaana la sheegay in ciidanka Dowlada ay gaarigaasi qabteen kahor inta uusan qarxin.

Inta la xaqiijiyay Hal askari oo katirsan ciidanka Nabad Sugida iyo ninkii watay gaariga qarxay ayaa goobtaasi ku dhintay, waxaa sidoo kale ku dhawacamay qaraxaasi dad shacab ah iyo ciidamo kale oo katirsan Nabad Sugida.

Sargaal katirsan ciidanka Nabad Sugida ayaa sheegay in gaariga qarxay ay qabteen ciidanka Nabad sugida uuna halkaasi ku qarxay iyada oo baaritaano lagu hayay, walina lama oga bartilmaameedka rasmiga ah ee ku wajahnaa gaarigaasi qarxay.

sinka_2Gaadhigii maanta lagu qabtey ee ku qarxey bar kaantarool ku yaala agagaarka Siinka Dheer ee duleedka magalada Muqdisho ayaa sida hadda wararku sheegayaan waxa ku xidhnaa taarikada Somaliland.

Comments are closed