Ciidamadda Booliska Somaliland oo Heegan Buuxa la Geliyey Iyo Hawl galo ay qaadeen 24-kii Saacadood ee u Danbeeyay DAAWO
Hargaysa 31. Janaury 2019 (SDN/QJ):-Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa saddexdii habeen ee la soo dhaafay xaafadaha Magaalada Hargeysa ka fuliyey hawl-gal xoogle oo ay ku ugaadhsanayeen dhallinyarro dadka ka booba Telefoonnada gacanta, kuwaasi isla markaana dadweynaha dhibaato ku haya. Taliye Ku-xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) ayaa sheegay in hawlgalkaasi…
