Uncategorized

UCID oo xafiiskii siyaasadeed ee u horeeyay ka furay Woqooyiga America

Toronto Dec 09,2014(SDN/QJ)-Waxa magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa waxa laga furay xafiiskii u horeeyay ee siyaasadeed ee lagu furo qaarada Woqooyiga America.

Xafiiskan oo ay fureen masuuliyiinta iyo taageereyaasha xisbiga UCID ee magaalada Toronto ayaa waxa daahfurkiisii lagu soo bandhigay hawlaha uu xafiiskaasi xisbiga iyo jaaliyada u qaban doono.