Uncategorized

Wasiirka Madaxtooyada iyo Wefti uu Hogaaminayo ayaa Gaadhay Gobolka Sanaag iyo Xadhig ka Jarista Wejigii 1aad ee Wadada Ceerigaabo

Ceerigaabo 23.Jan 2015 (SDN/QJ)- Wefti balaadhan  oo uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa Xalay lagu soo dhaweeyay Degmada  Gar adage e Gobolka Sanaag.

Weftiga Wasiirka Madaxtooyada Waxaa duleedka Magaalada Gar adag ku qaabilay Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamud Cali Saleebaan Ramaax, Maamulka Degmadaasi iyo qaybaha Bulshada   Wuxuu xadhiga ka jaray dhisme lagu kordhiyay Xabsiga Gar adag.

Maayarka Degmada Gar adag Faarax aadan Ciise ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay soo dhawaynta Weftiga uu Hogaaminayo Wasiirka Madaxtooyada.

Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa markaas kadib Waxa uu Xadhiga ka jaray Dhisme lagu Kordhiyay Xabsiga Magaalada  Gar adag.

Weftigan Wasiirka Madaxtooyada waxaa Xubno ka ah Wasiirka Gaashandhiga Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami,Wasiirka Hawlaha Guud Mudane C.risaaq Khaliif Axmed,Wasiirul dawlaha Maaliyada Cismaan C.laahi Saxardiid Cadaani,Wasiirul dawlaha Waxbarashada Axmed Nuur Faahiye Xubno ka Mid ah Gudida Heerka qaran ee Dhismaha Wadada Ceerigaabo.

Weftiga ayaa Ujeedada Socdaalkoodu Waxay la Xidhiidhaa Xadhig ka jarista Dhismaha wadada Ceerigaabo 10 Km oo laami ah,iyadoo uu doraad Madaxweynaha J.SL Xadhiga ka jaray 10 KM ee u horeeyay ee dhismaha wadada ceerigaabo ee deegaanka ina af madoobe ee Gobolka Togdheer.

Ceerigaabo SDN/QJ