Hargeysa:Mar,09,2015(SDN/QJ)-Qoyska Madaxtooyada Somaliland,, ayaa Wasiirkii hore wasaarada arimaha dibada Cabdilaahi Maxamed Ducaale kulan kula yeeshay Aqalka Madaxtooyada, iyadoo kulankaasna ay warar kala duwan kasoo baxayaan.
Sida wararku sheegayaan waxa kulankan ujeedaddiisu ahayd in mudane Ducaale laga xaalmariyo Qardoofooyin dhinaca siyaasadda ah ooh ore looga Galay, kuwaas oo ay ugu weynayd Aqalkii uu geli jirey oo si xoog ah lagaga saaray, isla-markaana dano gaar ah madaxtooyadu u isticmaashay.
Cabdilaahi Maxamed Ducaale ayaa laga raalligeliyey wixii dhacay, waxana loo bandhigay in muhiimadiisa haatan la dareemayo, isla-markaana laga filayo wada-shaqayn dheeri ah, madaama lagu jiro wakhti xaasaasi ah oo xukuumaddu sii ciirayso.
Warku waxa uu intaas ku darayaa in mudane Ducaale Qoyska Madaxtooyada u sheegay inaanu rabin wax mansab siyaasadeed ah inuu ka qabto, isla-markaana uu liqi doono dhibaatooyinkii uu hore u tirsanayey ee laga galay, waxana uu ballanqaaday inuu la shaqayn doono Xukuumadda iyo Qoyska Madaxtooyada fadhiyaba.
Waxyaabaha sida gaarka looga codsaday mudane Cabdilaahi Maxamed Ducaale, ayaa waxa ugu weyn sidii xukuumadda Muddo-kordhin loogu samayn lahaa, waxana wax laga weydiiyey sida ugu fudud ee arrintaas Guurtida loogaga heli heli, iyadoo aanu wax buuq ahi dhicin.
Cabdilaahi Maxamed Ducaale waxa uu si buuxda u ballanqaaday inaanu hagran doonin wixii karaankiisa ah, isagoo tilmaamay inaanay jirin cadawtinimo uu si gaar u tirsanayaa.
Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo ay isku Hayb Yihiin Madaxweyne Siilaanyo, ayaa muddo dheer dalka dibadda uga maqnaa, waxana uu kamid ahaa Raggii ugu adkaa ee Madaxweyne Siilaanyo Kursiga ka fuuli kari waayey mudaddii uu halgankiisa kusoo jirey.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
