Hargeysa:Mar,09,2015(SDN/QJ)-Komishanka Doorashooyinka somaliland, ayaa maanta markii ugu horrayayay ku dhawaaqay nimaadka ay u hirgelinayaan Diiwaangelinta Codbixiyayaasha oo ay sheegeen inay qaban doonaan Bisha Jully ee sanadkan 2015-ka.
Afhayeenka Guddida Diiwaangelinta Siciid Cali Muuse oo warbaahinta la Hadlay ayaa inkastoo uu sheegay inay diiwaangelinta Bilaabayaan muddo Saddex Bilood kadib ah, haddana carrabka ku dhuftay inaanay ballantaasi ahayn mid sax, waxana uu xusay inay wax isbeddeli karaan,
“Wakhtiga aan idin leeyahay Diwaangelintu way bilaabmaysaa ma aha wakhti rasmi ah oo Kama dambays ah, waase wakhti aanu saadaalinay, waxyaabo badan baana iman kara.”ayuu yidhi Siciid Cali Muuse.
Siciid Cali Muuse oo Hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inay arrintaas ku wadi doonaan Muddo Sagaal Bilood ah, waxana uu xusay inay samayn doonaan Diiwaangelin rasmi ah, waxana uu yidhi,
“Maanta laga bilaabo sagaal bilood bay hawshaas ku soconaysaa oo ay ku jirto saddexdaas bilood ee hadhay iyo bisha ramadaanta iyo afarta bilood ee Diiwaangelintu bilaambayso.”
Afhayeen Siciid Cali Muuse, ayaa iska diiday muddo-dhaafka ku yimi Doorashada oo ah bisha Lixaad Dhamaadkeeda, waxana uu tilmaamay inay iyagu wakhtigan ku Hawllan yihiin kaliya arrimaha Diiwaangelinta, waxana uu yidhi,
“Anigu kuma odhanayo Doorashadu dib bay u dhacday, waxa aanu ka shaqaynaynaana waa diiwaangelin.”
Marka la eego Hadalka Maanta ee Komishanka Doorashooyinnka qaranka, waxa muuqata inay feejignaan ka muujinayeen Fashilkooda dhinaca Arrimaha Doorashooyinka iyo Hirgelintooda, waxana ay ku adkaysanayeen inay awdaan Galdaloolo kasta oo arrintaasi bannaanka ku iman karto.
Guddida ayaa xataa dafirtay waajibaadka shaqo ee ka saaran arrimaha Doorashooyinka, waxana ay ku galgasheen Kaliya Arrinta Diiwaangelinta Codbixiya-yaasha oo aan Daruuri ahayn.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
