Uncategorized

Soomaali Ku Eedaysan Dilka 14-Jir Afrikaan Ah Oo Maanta La Maxakamadaynayo

Hargeysa:Mar,11,2015(SDN/QJ)-Maxkamadaynta Nin Soomaali ah oo magaciisa lagu sheegay Caluudi Xaashi Sheekh Yuusuf, isla-markaana ku eedaysan dilka 14-jir u dhashay dalka South Afrika, ayaa Maanta lagu wadaa inay ka Bilaabanto Magaalada Pretoria.

mxoCaluudi ayaa dukaan ku lahaa dalka Koonfur Afrika, waxana la sheegayaa inuu Ruuxaas da’da Yar toogasho ku Dilay.

Badhtamihii bishii labaad ee la soo dhaafay ayaa lagu sii daayay lacag damiin ah oo gaadhaysa 2,000 oo lacagta dalka Koonfur Afrika ah.

Waxaa loo haystaa in uu toogasho ku dilay 14 jir lagu magacaabi jiray, Siphiwe Mahori, oo u dhashay dalkaas, kaddib markii uu ninkaas Soomaaliga ah furay rasaas uu isaga caabbinayay koox dad ah oo doonayay in ay hantidiisa boobaan.

Toogashada oo dhacday 22-kii bishii January ee sanadkan ayaa sababtay dhac iyo rabshado ka dhan ah dadka ajaanibta ah ee Soomaalida ay qeyb ka yihiin ee ku ganacsada qeybo ka tirsan dalka Koonfur-Afrika.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com