Washington:Mar,11,2015(SDN/QJ)-Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda Waddanka Maraykanka Mrs Hillary Clinton, ayaa ka Hadashay Doodda ka taagan isticmaalka Emai-ladeeda gaarka ah xilligii ay ahayd Xoghaya Arrimaha Dibadda.
Hillary Clinton oo xiligan dooneysa inay isu sharaxdo Jegada Madaxweynaha ee doorashooyinka 2016, ayaa waxaa cadaadis weyn ka heystaa xildhibaanada mucaaridka ee xisbiga Jamhuuriga.
Dooda ugu weyn ayaa ka taagan guddi loo saaray inay soo baadhaan weerarkii lagu qaaday Qunsuliyadii Maraykanka ee magaalada Benghazi ee dalka Liibiya, xiligaasi oo ay Hillary ahayd Xoghayaha arrimaha Dibada.
Mrs.Clinton ayaa lagu eedeenayaa in ay telefonkeeda iyo Emailkeeda Khaaska ah marar u adeegsatay arrimo la xidhiidha hawlaha dowlada arrintaasi oo ka horimaneysa sharciga xukuumada u taal.
Hillary ayaa shaacisay dhamaan emailada xafiiskeeda intii ay xilka heysay balse waxay diiday inay shaaciso emailadeeda u khaaska ah.
“Waa ka wanaagsaneyd inaan isticmaalo Emailka shaqada oo kaliya intii aan xilka hayey markaan ka hadlayo arrimaha dowlada” ayey tidhi Hillary oo qiratay in mararka qaar ay isticmaali jirtay email-ladeeda iyo telefonada u khaaska ah maadaama ay uga fududeyd adeegsigooda markii wax deg deg ah la soo gudboonaadaan. Balse Mrs.Clinton ayaa diiday inay shaaciso emailadeeda ay sida gaarka ah u leedahay.
Mucaaridka ee xisbiga Jamhuuriga ayaa doonaya in Hillary ay dhamaan emailada khaaska shaaciso maadaama ay isticmaali jirtay emailadaasi xiligii ay xafiiska joogtay, si ay u cadeeyaan khaladaadkii ay ku kacday Mrs.Clinton intii ay xilka heysay.
Xisbiga Jamhuuriga ayaa isku dayaya inay saaxada Siyaasada ka saaraan Hillary Clinton intaan la gaadhi nbilowga ololaha doorashooyinka 2016.
Xisbiga Jamhuuriga oo doonaya inuu ku guuleysto doorashada Madaxweynaha ayaa illaa iyo hada la tacaalaya inuu iska soo dhexsaaro musharax taageero fiican heysta oo la tartami kara murashaxiinta Xisbiga Dimuquraadiga gaar ahaan Hillary Clinton oo hada taageero fiican ka heysata gobalada dalka Maraykanka.
Hillary Clinton oo dooneysa in ay gasho tartanka Madaxweynaha ayaa damaceedu yahay inay noqoto haweenaydii ugu horeysay oo xilka Madaxweynaha Maraykanka qabata.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
