Uncategorized

Xubno Looga Shakiyey Inay Qaraxyo Ka Maleegayeen Gudaha Somaliland Oo Maanta Lagu Qabqabtay Hargeysa Iyo Qaar kale Oo Lagu Daba Jiro

Hargeysa:Mar,14(SDN/QJ)-Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, wax aka jira Shaki sheegaya in  kooxo  falal argagixiso abaabulayey Gudaha usoo galeen, waxana ciidanka La Dagaallanka Argagixisadu Gacanta kusoo dhigeen Tiro dadkaas ka mid ah.

QABTSida wararku sheegayaan, inta badan macluumaadka Raggan waxa soo Gudbiyey dad shacab ah, waxana Haatan Gacanta lagu dhigay ilaa iyo Afar nin oo Hutello iyo Aqallo ay kiro ahaan ugu jireen Laga soo qabqabtay.

Midkamid ah Raggan oo saaka laga soo qabtay Aqal ku yaalla Xaafadda Isha Borama, ayaa la xaqiijiyey in lagu soo qabtay Qalab la filayo inay waxyaabaha qarxa ahaayeen, kuwaa soo uu xilliyada Habeenkii samayn jirey.

Si rasmi ah looma oga ninkani meesha uu ka soo jeedo hase yeeshee waxay dadweynaha xaafadu sheegeen in uu sheegtay in uu Reer Somaliland yahay balse waxa cadaatay in uu ka soo jeedo Somaliya.
Dhinaca kale, Ciidanka Laanta Socdaalka ayaa iyana habeen hore Hotelka Imperial ku qabtay laba nin oo kale oo midkood Reer Puntland yahay halka ka kale-na Koonfurta Somaliya ka yimi, waxaana la sheegayaa in goor habeenimo ah lala baxay, kadib markii sida warku sheegayo labada nin in muddo ah lagu daba jiray dhaqdhaqaaqooda. Laanta Socdaalka ayaa labada nin ba u gudbisay ciidanka baadhista danbiyada C.I.D-da waxaanay ciidanku ku hayaan baadhis, inkasta oo ay wararka hordhaca ahi sheegayaan in la hayo xogo dheeraad ah oo muujinaya inay ku lug lahaayeen falal amni darro.
Waxa kale Todobaadkii Hore Badhtamaha Magaalada hargeysa Lagu qabtay Nin isna muddo Baadhis Ciidamada Sirdoonku ku hayeen, Ninkaasi oo ku sugnaa Agagaarka Fooqa Oreintel Hotel ee Badhtamaha Magaalada kaasi oo ay qabteen Ciidamada RRU-da oo Wakhti Barqo ah oo Hawlgal ka fuliyey Suuqa hoose ee Hargeysa.

Waxa jira Rag kale oo ciidanka Sirdoonku ku Hawllan yihiin Soo qabashadooda, iyadoo la filayo inay qaarkood haatan ku sugan meelo ka baxsan Hargeysa oo ciidanku kaga warhayaan.

Somaliland caan kuma aha Ragga waxlaxa qarxa abaabula, waxana ugu dambaysay Sanadkii 2008-dii qaraxyo la abaabulay lala beegsaday Goobo muhiim ah oo Madaxtooyadu ku jirto, waxana halkaas ku dhintay Rag badan oo siyaasiyiin ahaa.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com