Uncategorized

“Wasaaradda Warfaafintu ceeb waxay leedahay ilaahay uma xilqarin, lix boqol baa jooga oo saddex boqol oo kamid ahi Website-yo ayey u shaqeeyaan, dabadeedna iyagaaba gelinka hore intay kula shiraan…. ”wasiir Cukuse

Hargeysa:Mar,14,2015(SDN/QJ)-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir(cukuse), ayaa Markii ugu horraysya si cad u sheegay dhibaatooyinka ka taagan wasaaradda Warfaafinta iyo shaqaalaheeda iyo sida siraha wasaaraddu marwalba dibadda u yaalaan.

SUEWasiir Cukuse oo maanta ka Hadlayey Munaasibad wasiir-ku-xigeenkii hore ee wasaaradiisa iyo midka cusubi xilka kula kala wareegayeen, ayaa dibadda soo dhigay sida aanay siraha Madaxda Warfaafintu marnaba unoqon Karin qaar qarsooma, waxana uu arrintaas ku eedeeyey shaqaalah wasaaradda uu sheegay inay dedaal ugu jiraan sidii sirtaasi dibadda ugu bixi lahayd,

“Wasaaradda Warfaafintu ceeb iyo wanaag waxay leedahay ilaahay uma xilqarin, lix boqol baa jooga oo saddex boqol oo kamid ahi Website-yo ayey u shaqeeyaan, dabadeedna iyagaaba gelinka hore intay kula shiraan Gelinka dambe qoraya wax kale,” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

Wasiirka oo Hadalkiisa sii wata, una digaya wasiir-ku-xigeenka Cusub ee Shaqada la keenay, ayaa yidhi,

“Kii kuusoo cawday ayaa Moobilka inta uu soo shido kaa duubaya canaantii aan canaananaysay, Si aad midwalba u barido oo u tidhaahhdo tolow Mobile ma sitaa,”

Wasiirku waxa uu tilmaamay in dhaqamada noocaas oo kale ah loo baahan yahay in loo dulqaato, waxana uu intaas ku daray in ay haatan saxaafaddu gaadhay heer ay hannaan qabyaaladaysan cid uwada weerarto, sida uu hadalka u dhigay,

“Ninka halkan  jooga waxa looga baahan yahay inuu noqdo qof adag oo aanay waxaasi waxba ka qaadin, Imika waxa kusoo kordhay inay iyaga oo qolo ah shiraan dabadeedna Hal qof bay marqudha ku duulayaan, waana wax dhacay, Maalin dhaw baan shaaca ka qaadi doonaa waxa ay yihiin.” Ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

Hadalka wasiirka ayaa kusoo beegmaya xilli wasaaradda warfaafinta somaliland noqotay wasaaradda ugu  ceebaalka iyo hadal-haynta badan, waxana inta badan dibadda usoo baxa jaafaa jiriq kasta oo xarunta ku dhex mara madaxda Wasaaradda.

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com